• Africa, Aubameyang Pallone d'oro

Ciyaartooyga Borussia Dortmund ayaa 7 dhibcood kaga guuleystay Yaya Toure, sidaana ku qaatay Pallone d' oro ee qaaradda Africa.

Yaya Touré oo hore ugu guuleystay Pallone d'oro affar sanno oo xiriir ah ayaa aad uga carooday in sannadkani koobkani la guddoon siiyo Pierre-Emerick Aubameyang.

Ciyaartooyga Man. city Touré ayaa yiri "Waa wax laga xumaado in anigoo wadankeeyga Costa d'Avorio u horseeday iney ku guuleysato koobka Africa leey siin waayo abaal
marrintani, isla markaana la gudoonsiiyo ciyaartooy wadankiisa Gabon ku haray wareega kowaad ee koobka Africa"

Touré oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri tani waxay ku tuseysaa in Afrikaanta aaney tixgelin ciyaaraha Africa, balse ay egaan oo keliya waxa ka socda Yurub.

Aubameyang ayaa helay 143 cod halka Yaya Touré ay u codeyeen 136. Kaalinta seddaxaad waxaa ku guuleystay Andre Ayew oo u dhashay Ghana, oo u ciyaara Swansea,
wuxuuna helay 112 cod

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@hotmail.com



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line