• Daafacii Adkaa Ee Horseed Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Minnesota(USA)

Guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed Yuusuf Muuse Faarax iyo Xaaskiisa Zaynab ayaa qado sharaf soo dhaweyn ah ugu sameeyay gurigooda oo ku yaalla magaalada Manketo oo 70 Mile u jirta magaalada Minneapolis , daafacii birta ahaa ee naadigii Horseed waa Aweys Muuse Arbow oo bulshada cayaaraha ay ugu yeeraan (Aweys Fuundi). Qado sharaftaasi ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin isboorti, Tababarayaal, garsooreyaal, cayaaryahannadii qaranka iyo naadiyada heerka 1aad ee kubadda cagta iyo Koleyga, qaar ka tirsanaa fannaaniintii naadiga Horseed iyo marti sharaf kale oo iyaguna xafladdaasi lagu casuumay.

Qadadii ka dib ayaa guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed Yuusuf Muuse uu halkaasi ka soo jeediyay erayo kooban oo uu uga hadlayo ujeedada isu imaatinka qadada lagu soo dhawaynayay cayaaryahankaasi Aweys Fuundi iyo kaalintii uu uga jiray isboortiga. Waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko bulshada isboortiga ee cadadaasi leh oo halkaasi isugu timid.

Macallin Ibraahim Suudaani, Garsoore Qolof, Cabdi Yuusuf oo iyagu halkaasi ka hadlay ayaa ku soo dhaweeyay Aweys Fuundi gobolka Minnesota,waxaana ay uga warrameen dhaqdhaqaaqyada isboortiga ee ka jira gobolka Minnesota iyo dadaalka ay muujinayaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hawlan isboortiga noocyadiisa kala duwan. Garsoore qolof iyo Cabdi Yuusuf ayaa iyagu si gaar ah ugu hambalyeeyay bahda kubadda koleyga ee Minnesota oo iyagu muujiyay isku xirnaansho adag. Waxaana giddigoodaba ay u mahadceliyeen Yuusuf Muuse iyo Xaaskiisa oo iyagu casuumaddaasi fidiyay.

Aweys Muuse Arboow oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida diiran oo loogu soo dhaweeyay Minnesota, waxaana mahadnaq gaar ah uu u jeediyay Yuusuf Muuse iyo Xaaskiisa .

Bal aan dib kuu celino oo ku xusuusino taariikhdii cayaaryahankaasi oo kooban:Aweys Muuse Arboow (Aweys fuundi),waxaa uu ku dhashay degmada Afgooye, sannadku markuu ahaa 1956kii, dabadeedna waxaa uu u soo wareegay gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Boondheere Xaafadda Daljirka dahsoon oo ahayd halkii uu ku soo barbaaray. Sida naanaystiisa ka muuqata Aweys Fuundi waxaa uu ahaa farsamoyaqaan sare oo aad ugu shaqaysta xirfaddiisa,waayo aragnimo fogna u leh dhanka farsamada oo ilaa haatan ay ka mid tahay xirfaddiisa, waxaana uu ka shaqayn jiray wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta.

Aweys fuundi yaraantiisa waxaa uu ka mid ahaa caruurtii MINI basketka ee uu ku tababari jiray Centro Sportivo iyo garoonkii Lucino tababare Sacad Cumar Geedi, dabadeedna kubadda cagta oo uu aad u jeclaa ayuu u wareegay,isaga oo markaasi ka mid ahaa ciyaal bacaadka ku ciyaari jiray garoonkii ku hor yiilay degmada Boondheere, waxaana ciyaaraha ku dhiirri galiyay nin asagu madax u ahaa oo naadiga Jeenyo taageere u ahaa lana oran jiray Jaylaani Caddow Xasan oo haatan ku nool degmada Madiina kaasi oo ii geeyay tababarahii naadiga Jeenyo Allaha u naxariistee Axmed Xasan Negro.

1976kii ayuu markii ugu horreysay u saftay cayaarihii juunyeerka isaga oo markaasi ka tirsanaa naadiga Jeenyo, dabadeed markii ay dhammaadeen cayaarahaasi ayaa ciyaaryahanka oo ku cayaarayay xeebta Liido waxaa halkaasi kula kulmay macallinkii kooxda Horseed Ibraahim Suudaani iyo kabtankii kooxda iskood, kuwaasi oo u sheegay in ay u doonayaan inay ku biiriyaan naadiga heerka 1aad ee Horsed, arrintaasi oo uu aqbalay. Cayaaryahan Aweys oo isagu badanaa ka ciyaari jiray dhexda ayaa markuu u soo wareegay kooxda Horseed, Macallinkiisa Horseed u diyaariyay inuu ka cayaaro Daafaca oo kooxdu ay ku soo hareen 3dex ciyaartooy kaliya kuwaasi oo kala ahaa: Iskood,Shaash iyo cabdi Kuus. Aweys oo isagu durbadiiba aad uga faa’daystay macallinkiisa Ibraahim ayaa u suuro gashay inuu kooxdiisa Horseed u hoggaamiyo inuu la qaybsado guulo faro badan oo isdajoog ahaa oo ay ku hanteen koobabkii J/Daa’uud iyo Horyaalka.

1977 kii Aweys Fuundi waxaa uu ku biiray Xulkii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta, muddadii uu ka tirsanaa waxaa uu ka qayb-galay cayaaro caalami oo lagu qabtay dalalka Uganda iyo Malawi.Sidoo kalena waxaa uu kooxdiisa Horseed kala qayb-galay cayaaro caalami ah oo lagu qabtay wadamada Ruushka, Uganda, Malawi iyo Masar.

Aweys Fuundi oo isagu muddo 10 sannadood u safnaa kooxda Horseed , ayaa mar uu ka hadlayay ciyaarihii xusuusta ku reebtay intuu isboortiga ku dhex jiray , waxaa uu sheegay inay ka mid ahaayeen: Cayaar 1983 kii ay kooxdiisa la cayaartay kooxdii Caanka ahayd ee Masar ”Almukhaawiluun) oo wareeggii hore oo lagu qabtay Qaahira nalooga adkaaday 7 gool iyo 0 , waxaana uu guuldarradaasi sidaa u weyn ku fasiray inuu u sabab ahaa macallinkii kooxda Ibraahim Zanaari oo isagu dhalasho ahaan ka soo jeeday Masar kaasi oo sameeyay qaladaad waawayn oo ay ka mid ahaayeen: isaga oo fasaxay kooxda muddo 3 maalmood ah oo ahayd waqtigii safarka la aadayay iyo isaga oo aanan cayaarsiin cayaartooydii wanaagsanayd. Waxaa iyaduna uu shaki wayn ka jiray macallinka oo aan la siin ballanqaadyadiisa iyo isaga oo ciyaartii dambe ee lagu qabanayay Muqdisho aan na soo raacin ee dalka dib ugu soo noqday maalin ka hor oo uu la yimid kooxdii Mukhaawiluun. Hase yeeshee hoggaanka kooxda waxaa la wareegay Macallin Cabdi Kuus iyo Shaash, waxaana natiijadii ay noqotay in aan 2 & 0 uga adkaano wareeggii labaad ee Muqdisho lagu qabtay taasoo ii ahayd farxad aanan illoowi Karin , galabtaasina aan ka mid ahaa daafacyadii jilbaha u laabay weeraryahannadii kooxda Almukhaawiluun.

Aweys waxa uu carrabka ku dhuftay in sannadkii 1978 kii kooxdiisa Horseed ay Challenge kula jirtay kooxda Fiat oo iyadu sugaysa in nalaga adkaado si ay inoola cayaaraan cayaarta finaalka ee hanashada koobka Horyaalka. Waxaa xusid mudan in kooxda Gaadiidka oo iyadu ka mid ahayd kooxaha aadka looga cabsado iyadu 3 iyo 1 nooga soo adkaatay wareeggii hore, hase yeeshee waxaa farxad noo ahayd in wareeggii labaad aan uga adkaano 5 & 0 taasina waxaa ay meesha ka saartay in Fiat aan la cayaarno Final, halkaasina aan koobkii horyaalka ku qaadanay.

Sidoo kalena kooxda waxool ayaa iyaduna 1980 isku dayday inay noo celiso kooxda Jeenyo oo iyadu barbardhac iyo in nalaga badiyo sugaysay..In kasta oo taageerayaal fara badani ay isaga baxeen garoonka oo u qaateen in barbaro ay ku dhammaatay cayaarta ayaa misna rajadii Jeenyo waxaa ttirtiray ciyaar C/ladhiif oo daqiiqaddii ugu dambaysay gool qurux badan noo dhaliyay taasi oo fajaciso ku noqotay taageerayaashii isaga tagay garoonka. waxaana halkaasi ku qaadanay koobkii horyaalka.

ciyaaryahannadii uu aadka u jeclaa inay garbahiisa buuxiyaan intuu ka tirsanaa naadigiisa Horseed waxaa ka mid ahaa:Iskoot, Shaash, cabdi Kuus,Goolhaye Jaylaani Khaliif,Cabdilatiif, Shaarkey,cabdinaasir, Killer,Maxamed Ismaaciil iyo Xasan Cafiif, iyo goolhaye Biyooley.Sidoo kale qaranka waxaa uu ka magacaabay: Nuur Gaab, Shiikhaaloow, Cabdullahi cabdi (Allaha u naxariisto)Bashiir Jeenyo,Binshaakir,Qaloocoow,Jimcaale Xaayoow(Allaha u Naxariisto), Goolhayeyaal Goorje.

1987kii ayuu cayaaryahanku cayaaraha ka fariistay duruufo gaar ahaaneed oo la soo gudboonaaday, isaga oo u wareegay dhanka dhismaha “Construction” oo ahayd farsamo gaar ah ee Eebe u siiyay hibada.

Ugu dambayntii Aweys, isaga oo ka faaiidaysanaya fursaddan waxaa uu mahadcelin gaar ahaaneed u dirayaa, Guddoomiyihii naadiga ee xilligaasi Yuusuf Muuse Faarax, macallinkiisa Ibraahim Suudaani oo aqoon aad u ballaaran uu ka kororsaday intuu ku dhex jiray isboortiga taasoo keentay in durbadiiba uu helo dalacsiin xagga mushaarka muddo sannad gaudaheeda oo uu la sinmo cayaaryahannadii ka horreeyay,iyo dhammaanba intii gacanta ku siisay isboortiga, naadigii Horseed maamulkiisa ,cayaartooydiisa, iyo taageerayaashiisa.

Ugu dambayntii Aweys Waxaa uu kula dardaarmay bulshada isboortiga meel kasta oo ay joogaan inay gacmaha is qabsadaan oo ay ka gudbaan is qabqabsiga aanan horumarka lagu gaari Karin laguna gaari doonin. Waana in laga shaqeeyaa in la horumariyo awoodda iyo farsamada cayaartooyda yaryar ee soo koraysa isla mar ahaantaana Meel looga soo wada jeestaa sidii wax loogu qaban lahaa caruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisa. Waxaana uu Ilaah uga baryay in ummadda Soomaaliyeed ka joojiyo colaadda dheeraatay ee halakaysay dadka iyo Dalka intaba.

Aweys haatan wuxuu ku nool yahay dalka Maraykanka, gaar ahaan magaalada Atlanta Georgia.


W/D Shiikha

 


 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line