• Ramadan Cup Oo Si Xarago Leh U Socda

Waxaa magaalada Toronto si xarago leh uga socda tartankii koobka Ramadanka ee 2013.

Garoonka weyn oo ay Soomaalidu u taqaan Hollywood ayaa waxaa ciyaarta kowaad ay dhex martay kooxda Hall of fame iyo kooxda Al Aruba.

15kii daqiiqo ee ugu horeyay ayaa 3 gool oo daran doori ah lagaga naxsaday kooxda Al Aruba. Seddaxdan gool ayaa laba ka mid ah oo weliba aad u qurxoon uu Burhan Yare u saxiixay kooxdiisa Hall of fame. Halka goolkii seddaxaadna uu u dhaliyay Cismaan Yuudhi.

Gabagabadii ciyaarta ayaa kooxa Al Aruba ay hurdada ka toseen iyagoo halkaasi laba gool ka dhiyay.

Ciyaartani ayaa lagu kala Afur doontay 3-2 oo ay guusha ku raacday Hall of Fame

UBK Seniors Oo Madax Kor Usoo Qaaday

Ciyaartii labaad ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda UBK Seniors iyo xiddigaha,

Bilowgii ciyaartaba Cabdi Aadan ayaa kooxda Xiddigaha goolkii kowaad u dhaliyay. Wax xogaa kadib ayaa haddana Axmed Ducaale uu goolkii labaad u saxiixay kooxdiisa.

Markii ay ciyaartu mareysay 2-0 ayaa kooxda UBK Seniors ay xogaa madax kor u soo qadeen iyagoo dhaliyay goolkoodi kowaad.

Goolkani ayaa wax xogaa muran dhaliyay waayo calan wadihii ciyaarta ayaa ku tilmaanay gookani offside, isagoo calanka kor u taagay. Hase yeshee Garsoorihii ciyaarta ayaa sheegay in goolkani uu sax yahay, isagoo iska indha tiray waxa ay dadweynihii daawanayay ciyaartan iyo calan wadihii ay u wada jeedeen.

Markii ay ciyaartu mareysay 2-1, ayaa Cago weyne (Torres) soo xasuustay inuu isaguna yaqaano sida goosha loo dhaliyo, isagoo halkaasi gool qurxoon ka dhaliyay.

Inkastoo uu goolkani aad u qurux badnaa haddana Cago Weyn nasiib darro wuxuu iska dhaliyay goolkiisa, sidaana ay ciyaarta ku noqotay 2-2.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa Cabdi Aadan uu goolkii 3aad u dhaliyay kooxdiisa xiddigaha. Garsoorihii ciyaarta ayaa ansixiyay gookani.Haddane wax xogaa kadib ayuu ka noqday go'aankiisa iyagoo sheegay in calan wadihii uu ku tilmaanay offside gookani.

Haddaba su'aasha les weydiinaya ayaa waxay tahay: Markii xiddigaha laga dhaliyay goolka muxuu u diiday inuu la tashadado calan wadaha? Markii ay iyaguse dhaliyeen goolka muxuu markii hore intuu ansixiyay haddana ula tashada calan wadaha?!

Si kastaba arrintu ha ahatee ciyaartani waxay kusoo gaba gabowday 2-2.


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line