• Libaaxyada Albion Oo Sheegay Iney Kala Diri Doonaan Banadir & MN Tigers

 

Kooxaha reer Toronto ayaa si weyn isugu diyaarinayaa tartankii Somali Soccer Week, oo maalinta Khamiista oo ay bishu tahay June 28,2011 ka furmi doona Toronto.

Madaxda Albion oo ay hogaaminayaan Cali Darbo, Libaan iyo Dhagey, ayaa isugu yeeray qaar ka mid ah taagereyaashooda si ay warbixin guud ah uga siiyaan diyaargarowga kooxda.

Madaxdan ayaa taagereyaashooda u sheegay in sannadkan kooxda Albion ay ku soo kordheen ciyaartooy fara badan oo leh farsamo aad u sareysay.

Inkastoo kooxda Albion ay nasiib u yeelatay Group C oo ah midka ugu adaga, iyagoo ku wada jira kooxda Banadir iyo MN Tigers, haddana madaxda Albion iyo taagereyaashooda ayaa muujiyay rajo aad u weyn.

Guddoomiye Cali Darbo ayaa sheegay in kooxdiisa ay kala diri doonto Banadir iyo MN Tigers una soo gudbi doonto wareega labaad.

Taageereyaasha Albion oo ereyada guddomiyaha aad ula dhacay ayaa mar qura sacab ku dhuftay iyagoo ku dhawaaqay ALBION LIBAAX

W/D Mohamed Busuri

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line