• All Stars Winter Cup 2015-2016

Waxaa magaalada Toronto si xiiso badan uga socdaa koobkii la magac baxay All Stars Winter cup 2015-2016.

Ciyaarihii dhacay maalinta Isiniinta oo ay bishu ahayd November 9 ,2015 ayaa kooxaha waxay isu arkeen sida tan:

Ciyaartooyda ay da'dooda ka yar tahay 11 jir (U11): Ciyaarta kowaad waxaa wada ciyaaray kooxda Yellow Stars iyo Red Stars. Ciyaartani oo aad u xiiso badnayad ayaa waxaa 8-5 ay guusha ku raacday kooxda Yellow Stars.

Ciyaartii labaad waxaa foodda is daray Black Stars iyo Blue Stars. Ciyaartooyda Black Stars ayaa garoonka la soo galay fir fircooni aad u badan iyagoo 4-1 ugu awood sheegtay Blac Stars.

Ciyaartooyda ay da'dooda ka yar tahay 13 jir (U13):

Kooxaha Black Stars 4-2 Red Stars:. Kooxda Black Stars ayaa garoonka la soo galay weerar aan kala go' lahayn iyagoo rabay iney u aar gudaan ciyartoydooda 11 jirka ah oo guul daro la hooyday. Haddaba Black Stars ayaa 4-2 kaga cill baxday Red Stars.

Blue Stars 4-1 Yellow Stars: Ciyaartii labaad ayaa waxaa wada ciyaaray kooxaha Yellow Stars iyo Blue Stars. Labadan kooxood ayaa iyagu soo bandhigay ciyaar ay aad ugu riyaaqeen dadweynihii usoo daawashada tagay.

Wixii hadba koox la weerara ugu dambeyntii Blue Stars ayaa 4-1 ay guusha ku raacday.

Todobaadka soo socda ayaa waxaa wada ciyaari doontaa ciyaartooyda ay da' dooda ka hooseyso 15 jir (U15).



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line