• Ahmed Nur Oo Ka Warbixiyay Kulankii Ay La Qaateen Wasiirka Sportiga

Gudoomiye ku xigeenka xiriirka k/cagta Ahmed Nur C/dulle ayaa ka warbixiyay kulankii qadada ahaa ee ay isaga Gen bashiir goobe la qaateen dhawaan wasiirka sports dowlada soamlai , wuxuuna hadalkiisa ku bilaaba

Waxaan ugu horeyn halkaan ka salaamayaa qof kasta oo Soomaali ah isla markaana cayaaraha jecel, waxaan rabaa in aan halkaan ka cadeeyo in kulankii qadada ahaa ee 3-da mas’uul ee kor ku xusan ay ku qaaten hotel 680 inuu ahaa mid la iskula soo qaaday sidii loo hormarin lahaa sports somalia.
Wasiirka ayaa ugu horeyn ka warbixiyey wax qabadka Wasaaraddiisa iyo wixii ay qabatay tan iyo markii la dhisay iyo howlaha ay ka mid tahay sidii loo bilaabi lahaa horyaalkii somalia oo aan mudo dheer la ciyaarin, sidoo kale dib u soo nooleynta ciyaaihii kala duwanaa ee somalia laga ciyaari jiray

Intaa kan dib, waxaa hadalka qaatay anigoo ah gudoomiye ku xigeenka xiriirka k/cagta waxaana k awarbixiyay waxqabadka XSKC iyo illaa hadda caqabadaha na hortaagan oo aay asal u tahay Nabadgelyo daradda wadankeena ka jirta iyo sidii wax looga qaban lahaa kuwa sheeganaya inay Xiriir kale oo k/cagta yihiin, iyo sidii la iskugu keeni lahaa kooxaha ka gadoosan Xiriirka k/cagta.

Intaa ka dib, waxaa hadalkii qaatey General Bashiir Goobe, oo goobta ka soo jeediyay talooyin muhiimadooda lahaa, kuna taliyey inay wasaaradda, GOS iyo Xiriirka SKC ay ka wada shaqeeyaan sidii looga bixi lahaa qilaafyada jira, wuxuuna u rajeeyey Wasiirka in ilaaha u fududeeyo hawsha culus ee ummaddu ay ka sugeyso.

Ugu danbeyntiina waxaa soo gabagabeyay hadalkii, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Mudane Suleymaan Colaad Rooble oo General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) kaga mahadceliyay qadada casumaad ah ee uu u fidiyey.

Mahadsanidiin.
Mr. Ahmednur H. Abdulle

Vice president,

Somali football Federation.

 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line