• Xiriirka soomaaliyeed ee kubadda koleyga OO soo gabagabeeyay aqon korosigii tababarayaasha

Xiriirka soomaaliyeed ee kubadda koleyga ayaa soo gabagabeeyay aqon korosi loo smaynaya tababarayaasha xiriika soomaaliyeed kubadda kolayga

Aqoon kororsigan oo uu soo qaban qaabiyay Xiriirka Soomalaiyeed ee Kubadda Koleyga ayaa waxa ka soo qayb galay 56 tababaro la siinayo,

Xubnahan tabarka loo fidinayay ayaa isugu jiray qaar ka mid ahaa macalimiintii hore oo loo kordhinayay sharciyada iyo farsoomooyinka ku soo kordhay Kubadda Kolayga.

Qaybta labaad ayaa ah macallimiinta iminka layliya kooxha kubadda koleyga iyo cayaartoydii kubadda kolayga ka fariisatay iyo kuwa hadda ciyaara, iyo kuwo kale oo uu xiriika u arko in ay buuxin karayaan kaalinta macallinimo ee loo baahan yahay xiligan.

Tababarkan ayaa waxa bixinayay Macallin Cabduqaadir Xaaji Daahir “Shiikha “ oo kamdi ahaan jiray xiddigaha Kubadda KOlayga ee ay Soomaaliya ku dhaarato,isla markaana kaalin muuqata kaga jira taariikhda kubadda kolaga soomaaliyeed .

Macalin SHiikha ayaa waxaa u igmaday bixinta tababarkaasi Xiriirka Soomaaliyyeed ee Kubbadda Kolayga .

Tababarka oo ka koobnaa laba qaybood ayaa lagu soo bandhigayay wejigiisa koobaad lagu muqaal ficil ah oo la xiriira carsharadii la qaadanayay , kuwaasoo lagu bixinayay garoonka Kubadda koleyga Aadan xaaji Yabarow “Wiish Stadiom” waxuuna socday kudhawaad kudo bil ah

Wejiga labaad ee tababarka ayaa lagua qaadanayay Casharo KHuseeya is -bedelada ku soo kordhay ciyaaraha kubadda koleyga ee ka dhaca dunida guud ahaan .

Tababarkan wejigiisa labaad oo soconayay muddo seddex cisho ah ayaa lagu soo gebogabeeyay xarunta degmada Cabdi-Casiis ee gobolka Banaadir.

Xafladii xeritaanka ayaa waxa ka hadlay Ku simaha G.O.S Maxamed Axmed Colow oo sheegay in ay sharaf u tahay in cayaartoydii xirfad-yahanka ahaa ay dib ugu soo laabtaan dalkoodii Hooyo, iyagoo uga faa’iidaynaya aqoontooda jiilka cusub ee soo baxaya , sidoo kale Xaji Colow ayaa ku baaqay in ay dalka dib ugu soolaabtaan ciyaartyoyda xirfad-yahanka ee dalka ka maqan ay soo laabtaan si looga faa’iidayso waaya aragnimadooda .

Gudoomiyaha Xiriika soomaliyeed ee Kubadda Kolayga Cabdullahi Nuur Cadaani ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Mcalin Shiikha sida uu uga aqbalay Codsigii ay u jeediyeen , isla markaana uu uga soo kictimay dalka Maraykanka uu ku noolaa waayadan dambe si looga faa’iidayso aqoonta durugsan ee uu u leeyahay ciyaarta Kubadda Kolayga .
Waxaa xusid mudan macalimnuu shiikha uu ka dhawaajiyay in uu sii wadi doono tabobar-siinta ciyaartoyda iyo kooxaha ku lugta leh ciyaaraha Kubadda Kolaga Soomaaliyeed

W/D Hussein Mohamed Hadaafow

hadaafoow7@gmail.com

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line