• Dhallinyaro u sara kacday badbaadinta Somalida

 

Toronto, Canada. Dhallinyaro u badan arday oo iskooda isu soo xilqaamay, ayaa soo abaabulay banaanbax ay ku muujinayaan sida ay uga tiiranyeeysan yihiin abaarta ka dilaacday Soomaaliya.

Dadkii halkaasi isugu yimid ayaa waxay socod dheer ku mareen laga bilaabo Dundas Street ilaa iyo Queen's park.

Qaar ka mid ah dhallinyarada soo abaabushay socodkan dheer oo halkaasi ereyo ka soo jeediyay, ayaa sheegay in abaartani darteed ay maalikasta ku dhimanayaan dad aad u tiro badan.

Dhallinyaradan ayaa ugu dambeyntii sheegay iney u soo istageen sidii wax loogu qaban la'haa dadkan dhimanay oo u badan caruur, wayeel iyo dumar.

Dhallinyaradan ayaa aad ugu adkeeyay dhamaan qurbajoogta Soomaalida iney mas'uuliyad iska saraan sidii loo badbaadin lahaa dadkan aan cidna u maqnayn.

Wixii faa-faahin intaa dheer, fadlan la xiriir Aran Somali Canadian Relief Organization Tel: 416-837-19448.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha,ca


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line