• Arsenal oo 2-1- Ku Qancisey Liverpool

Anfild-England-Mar-04-2012-xiddigaha.com-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku ku soo qadaneynaa ciyaartii galabta ka dhacdey Anfild waxaana foodda isla galey Arsenal iyo Liverpool,ciyaartan oo ka tirsaneyd horyaalka ka socda cariga Ingiriiska si habsami ahna u socda.

Ciyaartan oo dadweyne aad u fara badan ka soo qeybgaleen iyo taageerayaasha labada dinac ee waraabowga qaba oo wata udbahooda iyo dhigahooda,waxa kale oo xusid mudan kooxihii waaweynaa oo qaarna rajadhigeen qaarna aan wali xaedhka goosan.

Labadan naadi ee facaweyn ayaa waligood xurguf ka dhaxaysaa,laakiin ciyaartan oo aad iyo aad runtii uxiisa badneyd ayaa labada kooxood soo bandhigeen ciyaar nadiif ah oo iskugu jirta xag farsamo iyo adkeysiba,Liverpool oo gurigeeda lagu ciyaarayey ayaa kalsooni lsoo gashey garoonkooda Anfild kana faaideysaneysey taageeridda taageerayaasheeda marnaba aan ku riyoonin in lagaga badiyo garoonkeeda.

Ciyaartu waxay ku bilaabantey ishuumbadan iskudhiibdhiib gaagaaban,ciyaartan oo Liverpool qaybtii hore ee ciyaarta la soo baxdey dar dar ayaa waxay iska cuneen ilaa afar gool oo la islahaa way dhasheen ayaa waxay uga suurtooydey iney la yimaadaan goolkii ugu horeyey daqiiqaddii 23-aad waxaana u saxeexayLaurent,laakiin waxaa u jawaabey Robin Van Perise daqiiqaddii 31-aad goolkaas oo ahaa madaxa.

Qeybtii dambe ee ciyaarta oo runtii ka xiisa badneyd tii hore ayeyna waxba isu reeban labada kooxood ,Liverpool oo aan waxba reeban goalalbadana iska khasaariyey ayaa nasibku ka haajirey,Arsenal oo aan odhan karo nasiib ayey ku badisey ayaa Robin van Persie gool aad u qurux badan oo ahaa kii guusha u xaqiijiyey daqiiqaddii 90-aad ciyaartuna waxay ku soo dhamaatey Arsena–2- Liverpool-1.

W/D-Jaahuur
xiddigaha.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line