• Atlanta oo si buuxda uga qeybgashay tartankii Ohio 2013

Sanad kastaba waxa Tartamo Ciyaareed lagu qabtaa Gobolka OHIO magaaladda Madaxdiisa ee Columbus,waxaana ka soo qeyb gala Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed magac iyo Maamus ku leh oo ka kala yimaado Gobolado ay ka koobantahay Dalka Mareykanka.


Waxaa magaaladda Atlanta ka safray wafdi aad u balaaran oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Buldhadda,waxaana ka mid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali American Mudane Cumar Shekhey,Gudoomiyey Kuxigeenka Mudane Cabdikhaliq,

Mudane Aaden Sunbul oo ka tirsan Guddiga Jaaliyadda ee Somali-American,waxa kaloo wafdigaasi ka mid ahaa Gudoomiyaha Isbortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali,Gudoomiye kuxigeenka Mudane Aweyn Fundi,tabababarha Kooxda Juba isla markaana ah Xoghayaha Guddiga Isboortiga,Mudane Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo),Cabdikariin Cali Aar oo ah Madaxa Arrimaha dibadda ee Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka,Nafiiso Cali oo ah Madaxa Haweenka Atlanta,Cabdisalam Cagey iyo Xaskiisa,Cabdiqani Abuu iyo Xaskiisa,Axmed Ugaas iyo Cabdikhaliq.


Waxa sanadkani oo ahaa mid ka duwan sanadihii hore madaama ay magaca Atlanta uga qeyb galeen koox Kubadda Cagta ah oo da'doodu u dhaxeeyso 10-12 oo muddo uu soo tababaraayey Mudane Caydiid oo ka mid ah Tababarayaasha ku xeel dheer arrimaha Kubadda cagta,waxaana uu noo xaqiijiyey in Tababarha iyo kooxdiisaba ay gaareen Guul lagu faani karo,waxaana Mudane Caydiid uu yiri markii aanu u fiirinowaqti aanu ku abuurnay Kooxdaasi iyo Kaalinta ay ka soo dhalaaleen waa mid na gelineysa hami aad iyo u weyn,waxaana Reer Atlanta u Ballaqaadeynaa in mustaqbalka dhaw ay kooxdaani noqon doonto mid dalka Mareykanka oo dhan ka tilmaaman,waxaana uu ugu dambeyntii uu u Mahadceliyey Waalidiintii fursadda noo siiyey in aanu Caruurtooda tababarno,kuwaa ay ugu horeeyaan Cagey &Xaskiisa,Cabdiqani&Xaskiisa Axmed Ugaas iyo Cabdikhaliq iyo inta kale oo ka qeyb gashay abuuritaanka Kooxdaani..


Waxaa sidoo kale in la xuso u baahan Dardaarnka Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Cumar Shhekhey iyo Gudoomiy Kuxigeenka Guddiga Isboortiga Mudane Aweys Fundi oo labadooduba ku dheeraady ahmiyadda uu Isboortiga u leeyahay dhalaanka soo koraayo,waxayna labada Mas'uul ay mahad aan la koobi karin u jeediyeen Tababare Caydiid oo juhdi fara badan geliyey abuuritaanka Koxdani,waxay kaloo u mahadceliyeen dhamaan odayaashii Isboortiga oo waqtigooga u huray ka soo qeyb galka Tartamadaasi taa oo u noqoneysa dhiiri gelin dhaalnaka soo kooraayo.


Ugu dambeyntii waxa warbixin gaaban halkaa ka jeediyey Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta,isagoo sheegay in uu sanadkaani ahaa kii ugu quruxda badnaa 13kii sano ee Tartamadda OHIO la soo waday,waxa ka soo qeyb galay shaqsiyaad qiimo ku leh Bulshadda Soomaaliyeed sida Tababare Axmed Carab oo runtii waxyaabaha uu ka soo qabtay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaa Kubadda Koleyga ay tahay mid ay Ummada Soomaaliyeed Abaal uga hayso,waxa uu soo Tababare Kooxo kala duwan,waxa uu layliyey Kooxaha Qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga oo runtii guulo dhaxal gal ah u soo hooyiyey,waxa kalo in la xuso mudan in shaqsiyaadka ka soo qeyb galay uu ka mid ahaa Yuusuf Kolombos oo mar ka mid ahaa Goloha Wasiiradda ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo runti lagu xusuusto sida Soomalinimadda ku dheehantahy uu waajibaadkiisa Qaran uu u gutay taa oo Taarikhda geli doonta.


Ugu dambeyntii Dr. Cali Cusmaan Cali isagoo qiireysan uu u Mahadceliye Madaxa Laanta Af Soomaaliga ee VOA Mudane Cabdiraxmaan Yabarow doorkii shariifka ahaa oo VOA ka soo qaadatay isu ururinta Ummada Soomaaliyeed ee ku kala baahsaan addunyadda dacaladeeda kala duwan,waxaana arrinta VOA iyo shaqaalaheeda u galeysa Taarikhda baalalkeeda dahabiga ah,waxaana u hambalyeyneynaa VOA dabaldegii ay u dabaldegtay sanadguuridii LIXAAD ee ka soo wareegatay markii udubadda loo taagay.waxa kaloo Dr. Cali Cusmaan si gaar ah ugu mahadceliyey Wariye Ibrahim Dandurey sida uu waqtigiisa noogu huray kana soo qeyb galay Tartamadii Isboorti ee OHIO lagu qabtay,waxaana taa ay noqoneysa mid dhiiri gelisa Dhalaanka soo koraayo...ayuu Dr. Cali Cusmaan hadalkiisii ku soo koobay.

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line