• Ramadan Cup Oo Atlanta Ka Furmay


Waxaa dhawaan Magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka ka furmay Tartan Kubadda cagta ah oo ay soo qabanqaabiyeen Gudiga Isboortiga iyo Dhaqanka iyo Dhalinyaro aqoonyahano ah oo la doonaayo in lagu barbaariyo lana baro sida loo abaabulo Isboortiga noocyadiisa kala duwan,waxaana sanadkaan tartanka Ramaadaanka ee soo qeyb galay kooxa kala ah SAFARI,GUULEED C.,ARENA STAR IYO TAXI TEAM,waxaana tartankaasi si rasmi ah u furay Xoghayaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka isla markaana ah tababarah Kooxaha kala duwan ee JUBBA Mudane Cabdulqaadir xasan Cadde(Caydiid Jeenyo),waxaana xafladii Furitaanka uu ka jeediyey khudbad taarikhi ah,isagoo mar hore carabka ku adkeeyey Taarikhda Gudigaani isagoo sheegay in jiritaanka Gudigani uu soo bilawday sanadku markuu ahaa 1999,hadafka loo dhisayna uu ahaa in dhalinta soo koreysa loo abuuro Tartamo kala duwan kuwaa oo ku wajahan in la badbaadiyo Mustaqbalkooda lagana weejiyo waxyaabaha waxyeelan kara Mustaqbalkooda,waxa kaloo uu sheegaya Xubnaha ka tirsan Gudigani ay yihiin shaqsiyaad Taarikh dheer ku leh Isboortiga Soomaaliyeed iyo kan addunkaba,taa oo sahashay in mudadaasi dheer in uu gudigaani soo shaqeeyo,waxa kaloo Mr. Caydiid Jeenyo Furitaankii xafladaasi ka sheegay in Abaabulka tartankaani lagu weyneynaayo Bisha Barakeysan ee RAMADAAN oo ah oo ay Guddigani sanad walbaba qabtaan,waxa kaloo uu sheegay Mudane Caydiid Jeenyo in ay Bilaw u tahay Tartanka Magaaladda Atlanta lagu qaban doono Bisha November ee maalmaha loo dabaaldegaayo Xafladda TAHNKS GIVING oo aanu arajeyneyno in ay ka soo qeyb galaan illa 6 Gobol iyo in ka badan,waxaana tartankani laga xuli doonaa Ciyaartoydii Magaaladda Atlanta Mateli laheyd,waxaa kaloo uu sheegay in uusan Tartankaani hirgaleyn haddi aysan gaca ka geysan laheen dhalinyaradda oo maanta fahamtay ahmiyadda Isboortiga uu u leeyahay is dhexgalka iyo badbaadinta dhaalaanka soo koraayo,waxaana uu Mudane Caydiid ugu dambeyntii u mahadceliyey Jaaliyadda reer Atlanta oo mar kastaba la garab taagan Hiil iyo hooba waxii ay awoodaan,waxaa uu Mahad gaar ah u jeediyey Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga ee Magaaladda Atlanta Dr. Cali Cusmaan Cali,Gudoomiye kuxigeenka Aweys Fuundi,Xorhayaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Mataan,Madaxa Farsamadda ee Kooxaha Mudane Jaamac Cali(Jaamacey)iyo maxamed Ismaaciil Tafare oo Xubin ka ah Guddiga Farsamadda,waxaana halkaa Mudane Caydiid loogu tumay sacab waxaana sida ku furmay Tartankii ramadaan ee Atlanta,waxii Natiijo ah ee tartankaasi waxaan idin soo gudbin doonaa Mustaqbalka dhaw.
W/DIYAARIYE DR. CALI CUSMAAN


 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line