• Hambalyo Mudane Bakin

Waxaa magaalada Toronto lagu qabtay xaflad lagu taageeraayay Abdirashid Hassan Hersi "Bakin" oo loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u tiro oo ay u badan yihiin bahweynta sportiga ee Toronto,

Ugu horeyntii waxaa lagu furay aayadihii quraanka iyo xogaa waci gellin ah.

Intaa kadib waxaa ereyo gaabaan ka soo jeediyay qaar ka mid dadkii magaca iyo sharafta ku lahaa sportiga Soomaaliya.

Dadkii halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantooda isku raacay in Abdirashid Hassan Hersi "Bakin" uu yahay qof u qalma jagada loo magacaabay islamarkaana ka soo bixi kara xilkaasi weyn.

Ugu dambeyntii waxaa hadalka qabsaday Bakin oo u mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xaflada iyo dadkii soo qaban qaabiyay intaba.

Bakin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu rajeynaayo inuu gacan weyn ka heli doonto dhamaan bahweynta sportiga meelkasta oo ay joogaan si uu xilkiisa u gudto.

Qaban qaabinta xaflandan ayaa waxaa gacan weyn ka geestay milkiilaha Additional Rehab Care Mr. Xalane Cabdulle Shiidle.

 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line