• Maxaad ka xasuusataa Abdirashid Balaastiko

Abdirashid Ahmed Mohamed oo ku magic dheer Abdirashid Balaastiko wuxuu ka mid ahaa ciyaartooydii fara ku tirsanka ee magaca weyn ku yeeshay taariikhda xulka kubadda koleyga Soomaaliyeed.

Cabdirashid wuxuu ka mid ah ciyaartooydii xulka qaranka ee billada dahabka ah kasoo hooyay tartanka jaamacadaha carabta ee sannadkii 1979kii.

Taariikhdii Sporti ee Balaastiko oo kooban

Cabdirashid wuxuu ku dhashay magaalada Afgoye, wuxuuna ku soo bar baaray magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shibis halkaasi uu waxbarashadiisa kusoo qaatay.

Balaastiko yaarantiisa ayuu aad u jeclaa ciyaarta kubadda koleyga, waxaana kusii dhiiri geliyay Shaash, AUN Jimcaale Maxamuud Xaayow iyo Ganjab oo dhanaantooda degana degmada Shibis


Sannadka markuu ahaa 1970kii ayuu ka mid noqday ciyaartooydii Mini basketka ee degmada Shibis. Ciyaartooydii ay waqtigaa wada ciyaari jireen waxaa ka mid ah Abdulkadir Barajab, Amin Amir, Mohamed Amir, Yusuf Gurey, Libaax, Mursal Yusuf iyo qaar kale.


Sannadkii 1975-76 ayuu Cabdirashiid ka qeybgalay ciyaarha Gobolada isagoo u saftay gobolka Banadir.

Cabdirashid oo ciyaarihii gobolada aad ugu dhex muuqday ayaa kooxo badan oo heerka kowaad (Serie A) ah ay isha ula raceen.

Sannadkii 1977 Cabdirashid wuxuu ku biiray kooxda Badda ee heerka kowaad “Seie A” .
Ciyaatii ugu horeysay ee uu Cabdirashid u safto kooxdiisa waxay ahay koobka Jeneraal Da’uud.

Ciyaartooydii ay isku kooxda ahayeen waxaa ka mid ah: 1. Nurdaiin Ali S. 2. Shiman 3.Warsame dheere 4.Mahad 5.Saaciid Bariyo 6.Otwo dheere 7.Shiikha 8.Xamsa 9. Man the live.
Tabarena waxaa u ahaa Cabdiraxman

Sannadkii 1978dii ayaa 60 ciyaartooy laga soo xulay kooxaha heerka kowaad “Serie A” si looga dhex xulka ciyaartooydii matali lahayd xulka qaranka.
Cabdirsahid wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ciyaartoodii kamadambeyntii loo xulay xulka qaranka lagana dhex xulay 60kii ciyaartooy.

Ciyaartooydii ay xulka qaranka wada ciyareen waxaa ka mid ah:

1. Pivot 2.Nuradiin Cali 3.Caddewe Dheere 4.AXmed Daahir 5.Bashir fox 6.Axmed Muuse
7.Xasan Maclin 8.Awes Dahiyo 9. Cabdulqadir Maclin 10.Maclin Sheekh Nuur 11.Abukar Shiino
12. Azizu 13. Afweyee 14.Axmed Said 15.Santuur Dheere


1dii June ee sannadkii 1978dii ayuu Cabdirashid markii ugu horeysay xulka qaranka u raacay waddanka Shiinaha iyagoo halkaasi ku maqnaa muddo laba todobaad ah.

Sidoo kale Cabdirshaid wuxuu ka qeybglay ciyaarihii bariga iyo bartmaaha ee lagu qabtay magaalda Nairbi ee dalka Kenya.

Sannadkii 1979kii ayaa wuxuu Cabdirashid ka mid ahaa ciyaartooydii ku guuleysatay Billadda Dahabka ah ee tartankii Jaamacadaha Carabta ee lagu qabtay Muqdisho.

Tartankani ayaa isaga noqday mid Taariikhi ah magac weyna usoo hooyay ciyaarta kubadda koleyga Soomaaliyeed.

Cabdirashid haddeer wuxuu ku nool yahay waddanka Mareykanka gaar ahaan magaalada Atlanta, GA, isagoo weli ku dhex jira ciyaaraha lana ciyaara dhallinta cuslaatay ee Atlanta.. Cabirashid wuxuu leeyahay 3 caruur.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line