| Kaaliyaha XSKK Farah Jamac Nur "Farah Oday" iyo xoghayaha XSKK Eng. Bana ayaa ka qeybgalay tartankii koowaad ee African Youth Games 2010. Farah Oday & Eng. Bana ayaa marti qaad rasmi ah ka helay guddiga qaban qaabada tartanka. Labdan madax ayaa muddadii ay joogeen Maracco waxa ay fursad u helaan in ay la kulmaan gudoomiyaha Olympiga Africa President of ANOCA, H.E. Lassana PALENFO. Mr. Palenfo iyo madaxdan ayaa waxay ka wada hadleen guud ahaan sportiga Africa gaar ahanna kan Soomaaliya. Tartankan African Youth Games 2010 oo ka dhacey wadanka Marocco caasimadiisa Rabat, ayaa waxaa ka soo qeyb galay ilaa iyo 1000 ciyaartooy oo ka kala socday 41 waddan Afrikaan ah. Tartankan oo loogu talo galay ciyaartooyda ay da'dooda ka hooseyso 17 (Under 17), ayaa waxay ku tartamayeen ilaa iyo 16 tartamo kala duwan sida: kubadda cagta, kubadda Kolleyga, kubadda lalisaka, Orodada, Feerka(Boxing). kubadda Miiska(Tennis), Dabaasha iyo qaar kale. Ulajeedada tartankan ayaa ahaa in la dhiirigeliyo caruurta xifrada u leh, islamarkaana loogu diyaar garoowi lahaa tartanka mini Olmympic games oo ka dhici doono bisha danbe wadanka Singapore W/D Mohaemd Busuri |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|