• Bayern Munich oo 2-1 ku Soo Dhaweysey Real Madrid

     

Waxaa mar dhaweyd soo gabagaboydey ciyaartii semi-finalka ee koobka Champions League.

Haddaba koobkan oo aduunka aad looga qadariyo siiba qaaradda yurub ayaa la iskugu soo biyo shubtey Semi Final Afarta Naadi ee isku soo hadhey oo kala ah Barcelona,Real Madrid,Chalsea iyo Bayern Munich.

Saxiibayaal aynu u soo noqono ciyaartii galabta dhacdey waxaana foodda isla galey Bayern Munich(Germany) oo gurigooda lagu ciyaarayey iyo Real Madiid(Spain) waana lugtii hore.

Ciyaartu waxay ku bilaabantey xamaasad koox walbana waxay ka daxadareysey in aan gool looga hormarin,laakiin 10-kii daqiiqo ee ugu horeysey ayaa Real Madrid jaanta isla heleen intaa wixii ka dambeeyey gabalkoodii baa dhacay maamulka garoonkana waa lagala wareegey.

Daqiiqaddii 17-aad ee ciyaata qeybteedii hore ayaa Bayern Munich u hirgashey iney dhashadaan goolkii ugu horeeyey,laakiin qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqaddii 61-aad ayaa Real Madrid gool caajis ah keensadeen waxaana u dhaliyey Ozil.

Bayern Munich oo wadnaha farta ku haysa oo ka carareysa bar-bardhac ayaa rajadii Real Madrid cirka ku laaley Daiiqaddii 90-aad Gomez oo ka dhaliyey gool aad u qurux badan ahaana kii niyad jabka.Bayern Munich-2- Real Madrid-1

W/D-Jaahuur
xiddigaha.com

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line