• Manchester United Iyo Real Madrid Oo Raadinaya Benzema

Ciyaartooyga kooxda Lyon iyo xulka Faransiiska Benzema ayaa madaxda kooxdiisa u sheegay inaaney sannadkasta ku qancin oo keliya hanashada horyaalka Fransiiska bale ay tahay iney kaalin fiican ka qataan tartanka Champions League. Benzema ayaa codsaday in kooxda la xoojiyo laguma soo biiriyo dhowr ciyaartooy, isagoo weliba magacaabay Ronaldinho iyo Mancini.

Sida ka muuqata kooxda Lyon diyaar uma ahan iney soo iibsato ciyaartooydan, sidaa awgeed Benzema wuxuu codsaday iney kooxda iska fasaxdo.

Arrinta ayaa waxaa markiiba diyaar u ah iney ka faa'iidestaan dhowr koox oo raba iney la soo wareegaan ciyaartooyan. Sida laga soo xigtay wargeyska France Football kooxaha Mancheter United iyo Real Madrid ayaa ugu cad cad kooxaha raba iney heshiis la galaan ciyaartooygan. Sidoo kale Man. United waxay rabtaa iney la soo wareegto ciyaartooyaga daafaca ugu ciyaara kooxda Lyon iyo xulka Talyaaniga Mr.Grosso.

Kooxda Lyon ayaa haddii uu ka tago ciyaartooygan ay iyadana rabta iney keensato ciyaartooyga kooxda Firenze ee dalka Talyaaniga Gilardino ama ciyaartooyga Inter Cruz.

Juventus ayaa iyadan indhah ku heyso ciyaartooyaga u dhashay dalka Brasil ee la yiraahdo Bastos kana tirsan kooxda Lilla ee Faransiiska

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;