• Berlusconi Oo Eed Dusha Ka Saaray Ancelotti

 

"Ancelotti ayaa ugu wacan haddii aan ku guleysan weynay hoyraalka Talyaaniga " . Sidaa waxaa yiri milkiilaha kooxda AC Milan isla markaana ah Ra'iisul wasaaraha dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi.

Berlusconi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: Waa ayaan darro in tababare Ancelotti uu ka faa'iideysan waayo xiddigahan tirada badan ee kooxda u ciyaara. Waxaad arkeysaa in qaar ka mid ah xiddigahan aan xitaa la siin fursado badan ay ku ciyaraan (isagoo ula jeeda Ronaldinho oo aan inta badan ciyaarin). Berlusconi ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in haddii Ancelottii aanu sameyn lahayn dhowr qalad ay kooxda Milan waqtigan hogaamiin lahayd horyaalka Talyaaniga.

NO COMMENT: Guddiga kooxda Milan ayaa sida caadada u ah ka gaabsaday iney wax ka yirahdaan ereyada ka soo yeeray Berlusconi.Guddoomiye Galliani oo isaga mar wax laga weydiiyay in Anceotti uu kooxda Milan la sii joogi doono xilli ciyaareedka soo socda ayaa wuxuu ku jawaabay inaanu waxba ka sheegi karin musqabalka tababare Ancelotti ila laga gaaro dhamaadka horyaalka Talyaaniga.

VAN BASTEN: Johan Cruijff ayaa sheegay iney isaga la tahay in haddii uu Ancelotti ka tago Milan tababaraha ugu wanaagsan ee ay kooxdan qaadan karto uu yahay Van Basten.

KAKA': Xiddiga kooxda Milan iyo xulka Brazil Kaka' o si kooban uga hadlay arrintan ayaa yiri: Aniga waan ku kasloonahay qorshaha kooxdan waayo waa kooxa taariikh weyn ku leh ciyaaraha kubadda cagta. Waxaan rajeynayaa in qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedka soo socda uu qeyb ka noqdo tababare Ancelotti.

GATTUSO: Gattuso ayaa isagana yiri: Aniga waxaan xasuustaa mar aan rabay inaan ka tago kooxda ayaa Galliani iyo Ancelotti igu soo xerteen qolka uu yaalo dhamaan koobabka ay kooxdan hanatay si ay iigu qanciyaan in kooxdan ay tahay koox sumcad weyn ku leh ciyaaraha kubadda cagta. Anigana sidoo kale ayaan Ancelotti ugu soo xiri lahaa qolkaasi haddii loo baahdo.

 

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 

 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line