• Blue Star oo ku afurtay Ximan iyo Xeeb

: Waxaa magaalada Toronto ka furmay tartankii Sosca Somali week 2014.

Tartannkani ayaa waxaa kasoo qeybgalay 12 kooxood oo loo qeybiyay 4 qeybood (Group)

Group A: Blue Star (Hamilton), Ximan & Xeeb iyo Al-Hilal

Group B: Kitchiner, Mable iyo Ohio

Group C: Seif, Iftin iyo Galmudug

Group D: Muqdish Fc, Washington DC iyo Windsor

Tartankani ayaa waxaa si rasmi ah u furay xoghayaha XSKK Said Farah Ducale.

Ciyaartii furitaanka waxaa wada ciyaaray kooxda Blue Star ee reer Hamilton iyo Ximan & Xeeb.

Kooxda Ximan iyo Xeeb ayaa bilowgii ciyaarta hal gool kaga naxsatay Blue stars. Qeybti hore ee ciyaartana waxay ku dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Ximan iyo Xeeb.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa haddan Ximan iyo Xeeb ay dhaliyeen goolkii labaad.

Tababaraha Blue Star Mr. Abdulkadir YUUL ayaa intaa ka dib qaab ciyareedka kooxda wax ka beddelay taasi oo keentay in kooxda ay 3 gool oo is daba joog ah ay halkaasi ka dhaliyaaan, sidaana ay 3-2 ay guusha ku raacdo.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ku wada ciyaaray laba koocxood oo dhalinta cuslaatay ah. Labadani kooxood oo kala ahaa sosca iyo Woodbinewaxay isla dhaafi wayeen 3-3

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line