• Macallim Bruno oo warqad cabasho ah u gudbiyay Guddoomiyaha XSKK

Ku: Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga Soomaaliyeed.

Og: Gudoomiyaha Guddiga Olympigada Soomaaliyeed

Og: Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed

Ujeeddo: Dacwo

Ka dib markii aan akhriyay qoraalkii lagu soo daabacay 24 MAY 2014 shabakadda www.sspamedia.co.uk ,Waxaan aad iyo aad uga xunnahay Xoghayaha guud ee XSKK Saciid Faarax Ducaale inuu nagu tilmaamay in aan nahay Qaran dumis,Dad qabiil iyo isku diris ka dhex samaynaayo dhallinyarada K/Koleyga iyo inaan ka soo horjeedno horumarka K/Koleyga Soomaaliya.

Hadalada uu ku soo qoray shabakadda (www.sspamedia.co.uk) waa mid aan sal iyo raad laheen, waana mid ay si aad ah uga xumaadeen dadka ku abtirsada kubadda koleyga iyo kuwa jecel cayaaraha intaba.

Muddo dheer waxaan ka mid ahaa cayaartooydii barisamaadka ee k/koleyga , markii aan ka fariistay cayaaraha waxaan ka mid noqday tababarayaashii K/Koleyga ee naadiyada heerka 1aad …Ugu dambayntiina ,1990-1991kii waxaan noqday tababarihii xulka qaranka wiilasha K/koleyga aniga oo kooxdii aan hogaaminayay ay ka qayb galeen cayaaraihii isreebreebka Zone ka 5aad ee Afrika oo lagu qabtay Ethiopia, kaasi oo aan ku guulaysanay kaalinta 2aad.

Dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay ka dib, kama nasan ciyaaraha , waxaan aniga iyo asxaab kaleba oo ku nool dalka Canada ku mashquulsanayn inaan soo saarno caruur Soomaaliyeed oo ku wanaagsan kubadda koleyga si ay mustaqbalka dalka wax u taraan, ugana leexino waxyaabaha xunxun oo mustaqbalkooda wax u dhimaayo.Waxaana wax qabadkayga isboortiga aad ka arki kartaan shabakadda (www,xiddigaha .ca).

Waxaa iyaduna ay tahay inaan xuso ururka aan ka tirsanaa ee Ilamos oo ka dhisan dalka Canada una adeega dhallinyarada inuu ka qayb qaatay deeq qalab isboorti oo lagu taakuleeyay XSKK.

Waxaan is weydiiyay haddaan ka shaqayno Qaran dumis,qabiil iyo isku diroow cayaartooyda K/Koleyga, SACIID FARAH isagu ma qaran toosiyaa oo qabyaalad iyo isku dirid ma ka dheer yahay? Jawaabteeda waxaa garan kara oo kaliya qofkii horay u yiqiin Saciid Farah sumcaddii uu ku lahaa kubadda koleyga Soomaaliya iyo waddanka Canada sumcadda hadda u taallo.

Waa wax aanan loo dulqaadan Karin in Mas’uul ka tirsan XSKK uu aflagaadeeyo halyeeyadii qaranka iyo macallimiintii qaranka Soomaaliyeed, haddii sidan lagu sii fiirsadona qof kastaa oo ka tirsanaa kubadda koleyga ayay ceebtan iyo anshax xumadan u tagaysaa.

Gabagabada, Dhammaaan madaxda XSKK, Olimbikada iyo wasiirka isboortiga waxaan ka codsanayaa inay arrintaan wax ka qabtaan oo xoghayaha Saciid Farah uu soo kala caddeeyo arrimaha uu igu sheegay oo ah qabiil, qaran dumis iyo inaan cayaartooyda ku diray.

Waad Mahadsanidiin, tihiin

Macallim Osman Bruno

Macallinkii hore ee xulka qaranka K/Koleyga

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line