• Bul Bul Oo 8 Goal U Dhiibay Hall Of Fame

Waxaa magaalada Toronto si xiiso leh uga socda koobkii la magac baxay Winter Cup.

Ciyaarihii ugu dambeeyay ee wareegii kowaad (Andata) ee tartankan ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda UBK ee u hogaaminayay Bul Bul iyo Hall of fame uu abaandule u ahaa Cadare.

Labadan kooxood oo iyagu hore u hestay min hal dhibic, ayaa koox weliba waxay garoonka la soo gashay iney badiso si ay 3 dhibic oo kale halkaasi uga qaadato.

Kooxda UBK ayaa bilowgii ciyaartaba lasoo baxday ciyaar aan hore looga baran, iyadoo ciyaartooyda kooxdan aad moodeyso iney kusoo dharteen badis. Ciyaartani oo u muuqatay iney wada ciyaarayaan xulka Brazil iyo ciyaalka xaafadda ayaa waxay ku dhamaatay 8-2 oo ay guusha ku raacday Bul Bul iyo kooxdiisa UBK.

Ciyaartii labaad waxaa wada kulmay kooxda Xiddigaha iyo Bakri media. Labadan kooxood ayaa intii aanu bilaaban tartankani ciyaar saaxibtinimo oo diyaar garow ah wada ciyaaray. Ciyaartani saaxiibtinimada ayaa 9-7 ay guusha ku raacday kooxda Xiddigaha. Haddba kooxa Bakri oo maanka ku haysa iney ka aar goosato Xiddigaha ayaa garoonka la soo galay fir fircoon badan. Ugu dambeynti kooxda Bakri media waxaa u suurtagashay iney aar goosato iyadoo sidoo kale intii gool hore looga badiyay ay ku badisay taasi oo ah 9-7.
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line