• DR. CALI CUSMAAN:1968 OLYMPICS TAARIKH XUSUUS MUDAN

Subaxnimadii ay Bisha October aheyd 16,1968 Ciyaaryahan TOMMY SMITH ayaa waxa uu ku guuleystay Biladda Dahabka ee orodka 200m tartankii Olympigadda ee lagu qabtay Magaaladda MEXICO CITY waxaana uu ku orday 19.83,waxaana kaalinta sedexaad isla orodkaasi galay orodyahan JOHN CARLOS isagoo ku orday 20.06,waxayna u dhaqaaqeen halka lagu gudoonsiin lahaa biladihii ay ku guuleysteen,labadaa Ciyaartoy waxay u dhaqaaqeen halkii ay diyaarka ku ahaayeen biladaha iyagoo KABO LA'AAN AH,ayna lugaha ugu jiraan iskaalso madaw taa ay kuu miuujinaayaan SABOOLNIMADDA dadyowga MADAWGA ah ee ku nool dalka Mareykanka,waxayna gacmahooda kor u taageen iyadoo ku labisan GACMO GASHI MADAW(BLACK POWER SALUTE),

labadaani Ciyaartoy oo kala ahaa SMITH IYO CARLOS waxay madaxooda hoos u fooririyeen marka ay calaamadaasi bixinayeen taa oo ay ku muujinayeen MIDABTAKOORKA lagu hayo bulshada Madawga ah ee ku nool dalka Mareykanka,arrinta oo ku soo baxday Bogga hore ee Wargeysyadda ka faalooda Isboortiga,waxayna noqotay taarikh loo dabaaldego geesinimadii ay muujiyeen labadaasi dhalinyaro

.
Dalka Mareykanka waxa bisha Feberaayo loogu magac daray(BLACK HISTORY MONTH),waxaana sanad kastaba loo qondeeyaa halka lagu qanban lahaa iyo cidda martisharafka ka noqon laheyd kana jeedin lahayd khudbad lagu weyneynaayo maalintaasi,waxaana sanadkaan lago qabtay CLARK ATLANTA UNIVERSATY oo ka mid aha Jaamacadaha ugu qadiimsan ee ka jira Magaaladda Atlanta,waxa kaloo la isla gartay in uu sanadkaan Khudbadda jeediyo OLYMPIAN JOHN CARLOS,waxaana ka soo qeyb galay illa 1000 qofood oo ka kala socday Aqoonyahano.Ganacsato,Ciyaartoy caan ah,Dawladaha Afrikaanka ee jooga Magaaladda Atlanta iyo dhalinyaro la doonaayo in la baro dhadhaqaaqa Bulshadda Madawga ah ee ku nool dalka Mareykanka,waxaana Ummadda Soomaaliyeed shirkaasi uga qeyb galay Wafdi uu hogaaminaayo Xoghayihii hore ee GOS Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali,Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Atlanta Marwo Nafiiso Cali iyo Inj. Maxamuud Cabdulaahi oo ka socday aqoonyahanadda Soomaaliyeed.waxaana wafdigaasi albaaka hore kaga hor yimid Madaxweynaha Clark Atlanta Universaty,waxaana halkaa khudbad qiimo leh ka jeediyey Halyey JOHN CARLOS oo sheegay in halgankii soo bilawday sanadkii LIXDAMEYADII oo ay ka soo qeyb galeen Halyeeyadii kala ahaa Marxuum Dr. Martin Luther King,Marxuum Malcom X,Halyey Maxamed Cali Clay,Tommy Smith iyo John Carlos aanu maanta mirahiisa guraneyno ka dib markii aan ku guuleysanay in Dalak mareykanka uu Madaxweyne ka noqdo nin madaw oo magaciisa la Yiraahdo BARAKO OBAMA,waxaana marka uu eraygaasi jeedinayey halka ka dhacay khushuuc badan oo keenay in qaar ka tirsanaa ka soo qeybgalayaasha ay is hayn waayeen lana qarxadeen OOHIN ka dib markii ay soo xusuusteen waxyaabihii ay soo mareen.....waxaana khubbadii ku soo gabagabawday jawi farxadeed iyo xusuus ma hadho ah,waxa kaloo Halyey John Carlos halkaa ku soo bandhigay Buug uu kaga hadlaayo Taarikhdiisa iyo waayahii uu soo maray(JOHN CARLOS STORY),buugaas oo gaaray in uu maanta akhristo Halyeyga ugu caan san dadyowga madawga NELSON MANDELA.


Markii ay khudbadii ay gabagabowday ayaa wafdiiga Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay gooni gooni u arkaan ka soo qeyb galayaashii ayna kala hadlaan umuuro khuseeya labada dal,waxaana Dr. Cali Cusmaan Cali ugu horeentii la kulmay Ciyaartoydii ka soo qeyb gashay oo kala ahaa OLYMPIAN JOHN CARLOS oo ku guuleystay bilado aan la xisaabi karin, OLYMPIAN KEVIN YOUNG OO KU GUULEYSTAY biladda Dahabka ah ee Tartankii 100m ee Hurdalka ah tartankii Olimpigadda ee la qabtay 1992,iyo MEL PANDER oo Bilad dahab ah ku guuleystay Tartankii Olimpigadda ee 1968,waxaana uu Dr. Cali Cusmaan uga sheekeeyey Taarikhda dheer uu Isboortiga Soomaaliyeed ka soo maray isagoo ku soo dhex jiray muddo ka badan 40 sano,illa haddana uu ku dadaalo horumarinta Isboortiga,taa waxa igu qasbay sida Ummadda Soomaaliyeed ay u garanayaan dadka u soo adeegay illa haddana u heelan in ay gaarsiiyaan halka ugu sareyso,waxa kaloo uu Dr. Cali Cusmaan ay isku arkeen Aqoonyahano badan oo shirkaasi goob jooga ka ahaa,waxaana uu u dul maray sida ay Ummadda Soomaaliyeed ay waligeed ugu dadaali jirtay horumarinta Aqoonta,waxaana aanu laheyn Jaamacad oo leh Kuliyado kalao duwan oo aan maanta ku faani karo in aan ka mid ahay kuwii ka soo qalin jebiyey,waxaana halkaa Dr. Cali Cusmaan ay ugu tumeen sacab aan kala joogsi laheyn.sidoo kale Marwo Nafiso Cali Gudoomiyaha Haweenka Soomaaliyeed ayaa halka kula kulantay gabdho badan iyado uga shekeysay marxaladaha kala duwan oo ay soo nareen haweenka Soomaaliyeed,Aqoonyahan Inj Maxamuud aya isna waxa uu la kulmay dadkii ka socday Dawladaha Afrikaanka,waxayna Dawladihii Afrikaanka ahaa noogu hambalyeyeen nabadda u soo bidhaantay Ummadda Soomaaliyeed iyagoo noo rajeeyey in aanu garano danteena una hiilino jiilalka soo koraayo.
Waxaana uu shirkii ku soo gabagabowbay si heer sare ah.



W/D-Dr. Ali Osman


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line