• SOMALIWEEK OO CASHO SHARAF UGU SAMEEYAY MAGAALADA LONDON MARTI SHARAF ISBOORTI

London 25/07/2010.Maamulka Somaliweek London ayaa casho sharaf ugu sameeyay marti sharaf isboorti oo booqasho ku soo gaarey magaalada London, kuwaasoo kale ahaa

Mudane Farah Odey ahna kaaliyaha xoghayaha XSKK , mudane Farah Odey wuxuu ka mid ahaan jirey ciyaartooydii heerka koowaad ee kubadda koleyga kooxda LLPP JEENYO iyo xulkii Kubadda koleyga dalkeena Soomaaliya, hadase wuxuu degan yahay magaalada Toronto dalka Canada, waana Gudoomiyaha ururka Today ee ciyaaraha Somaliweek Canada iyo Marwo Faaduma Faarax agaasimaha hay’ada Hirda Holland oo run ahaantii ah shaqsi isboortiga Soomaaliyeed aad u jecel, xilna iska saartey koobka sanadlaha ah ee Hirda Amsterdam Futzal Tournament .

Casho sharafeedkan ayaa lagu qabtey maqaayada Blue Ocean oo ku taal galbeedka magaalada London, islamarkaana waxaa ka soo qayb galay maamulka Somaliweek sida Xuseen Deeq, Mohamed Buuwe, Cabdirashiid Islow, Abdisalaan Mumin, C/qaadir uus, Mohamed Khaliif,, iyo Xuseen Abati, ayna goob joogyaal ka ahaayeen Ahmed Nur Sayga Ruushka ( Odey Sport),Baana Cali ( Xoghayaha XSKK),Mohamed Ingiriis ( Suxufi), kuwasoo si wadajir ah u soo dhaweeyay mudane Faarah Odey iyo Marwo Faaduma Faraax.

Somaliweek maamulkeeda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ku soo dhaweeyaan magaalada London marti sharafeedka isboortiga islamarkaana ka codsaday inay dhaxmarto wada shaqayn maamulkooda iyo maamulada isboortiga kale ah Today Canada iyo Hirda Holland, madaama ay yihiin ururo isboortiga iyo dhalinyarada ka shaqeeya.

Mudane Farah Odey iyo Marwo Faduma ayaa ka mahadceliyay sida walaalnimada iyo Soomaalinimada leh ee loogu soo dhaweeyay caawa cashadan sharafta badan islamarkaana balan qaaday inay gaarsiin doonaan saaxiibadooda kale wada shaqaynta iyo xiriirka cusuba.

Gabagabadiina waxaa meesha ka hadlay Mudane Ahmed Nur ‘’Seyga Ruushka’’ iyo Baana Cali, kuwasoo sheegay inay iyagana ku faraxsan yihiin inay ku soo dhaweeyaan magaalada London dad isboorti ah oo run ahaantii wax la taaban karo ka qabtey dalalkii ay ku noolaayeen, hadane maanta soo gaarey inay soo booqdaan dad Soomaaliyeed oo walaalahood oo isboorti ah.

Sheeko iyo kaftan ayay xafladii ku soo gabagaboowday iyo farxad, waxaana halkaasina la isaga qaaday sawiro xusuus ah.

W/D:Yusuf Yusuf

 





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line