• Xiriirka Ciyaaraha Fudud Oo Guul Soo Hooyay

Waxa dhawaan Dalka weynaha Ruush lagu qabtay shirweynahii 49aad ee Xiriirka Addunka ee Ciyaaraha Fudud oo marka la soo gaabiyo la yiraahdo IAAF,waxaana sanadkaan ka soo qeyb galay 206 Dawladood oo ay ku jirtay Madax ka socotay Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud oo ka qeyb galay shrweynahaasi oo socday 6-8Augusto 2013.

Waxaana shirkaasi qiimaha leh Ummadda Soomaaliyeed uga qeyb galay Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Mudane Dr. Maxamed Cali iyo Agaasimaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud(The Director Of Somali Athletic Federation) Mudane Inj. Cabdulqaadir Caraale,waxaana waxyaabihii laga hadlay oo diiradda la saaray ugu muhimsaan Horumarinta Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya madaama Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ay guulo lagu faani karo ay soo hoyiyeen 40kii sano ee ugu dambeysay laga soo bilaabo Marxuum Cabdule Nuur Waasughe illa laga soo gaaro Guushii weyneyd uu soo hoyiyey Halyey Cabdi Bile Cabdi,guulahaasoo maanta qiimo u yeelay magaca Ummadda Soomaaliyeed waajibna ka dhigeysa in la baadi goobo dhalinyaro soo hoyisay guulahaas oo kale ama kuwa ka wanagsan.


Mudane Dr. Mxamed Cali iyo Inj. Cabdulqaadir caraale waxay la shireen intii uu socday shirweynaha Maamulka Afrika ee Ciyaaraha Fudud gaar ahaan kuwii ka socday Afrikadda Bari,waxay kaloo shir albaabadda u xiranyahay la galeen Dawladaha carabta kuwooda ugu qaabilsan Cayaaraha Fudud,Guddiga Horumarinta Olympigadda iyo Olympic Solidaraty,waxayna dhamaantood la socodsiiyeen qorshaha uu Xiriirka Soomaaliyeed u degsan kaa oo ah in la hormariyo,baadi goob loo galo inta awooda saamaxeyso si mar kale loo tiigsado guulahii lagu yaqaanay Ciyaaraha Fudud ee Soomalia,waxayna dhamaan ururadaasi ay la shireen waxay ka heleen ballanqaadyo ku wajahan kor u qaadida Ciyaaraha Fuduud ee Soomalia.


Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Mudane Dr. Maxamed Cali iyo Inj. Caraale waxa ay Mahad aan la koobi karin ay hawadda u marinayaan Safiirka Soomaaliyeed ee u fadhiya Ruushka Mudane Amb. Maxamed Xandulle oo muujiyey dadaal aan la koobi karin sidii qeyb aanu uga qaadan laheyn Ciyaarahasi,waxaana mar kastaba ka muuqatay Shucuur Soomalinimo oo uu diyaar ula ahaa garab istaaga Guddigaasi iyo Ciyaartoyda ka qeyb galeysay tartankaasi,sidoo kale waxa har iyo habeen u taaqnaa

Maxamed yare oo ka mid ah ardayda halkaa wax ka baratay..,waxa kaloo wafdigaasi ka mid ahaa Tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Mudane Cabdi warsame Isaaq iyo Ciyaaryahan Cumar Cabdi oo runtii loo hanweynaa laakiin dhawac gaaray awgiis uusan si buuxda uga qeyb galin,laakiin waxa la hubaa in mustaqbalka uu guulo u soo hoyin doona Ummada Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii Dr. Maxamed Cali iyo Inj. Cabdulqaadir caraale waxay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Isboortiga gacan lagu siiyo shaqada baaxadda weyn oo ay u istaageen.,waxaan kaloo codsaneynaa in Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud(Wiilal iyo Gabdhaba)laga codsanyaa in ay la soo xiriiraan Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud si mustaqbalka dhaw aanu uga muuqano Garoomadda Caalamiga ah,sidoo kale warbaahinta kala duwan ee Soomaaliyeed iyagana laga codsanayaa in ay qorshahaan nagu garab siiyaan,waxaana rajeyneynaa in qorshahaan uu socon doono 2013-16.
Waxaana uu shirkii ku soo dhamaaday guul iyo reyn-reyn.

W/D Dr. Cali Cismaan
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line