|
Waxaa magaalada Toronto lagu qabtay xafladdii xeritaanka koobkii Todobaadka Soomaalida "Somali Week 2010". Xafladan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah madaxdii, ciyaartooydii kooxihii ka soo qeybgalay tarankan iyo marti sharaf kale Ugu horeyntii Sheekh Muusa ayaa halkaasi ku aqriyay aayadihii quraanka. Intaa kadib Bashi Cali Bashi oo daadihinaayey xafladan ayaa mikrofoonka ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah madaxdii ururka TODAY. Madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ka mid ah: Guddoomiyaha TODAY Farah Oday, Mukhtar Cuti, Guddoomiyaha Somali Week 2010 iyo Mussa Abti, Xisaabiye. Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Farax "Debdamis" iyo Idiris Cigaal Nuur oo iyagu ka mid ahaa marti sharaftii lagu casumay.
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|