• Kooxda Comsed oo Dhulka Ku Jiiday RPS Una Soo baxda Final

     

Kooxda kubadda cagta ee Comsed ayaa guul kagartay wareega afarta ee
tartanka tayaynta kooxaha heerka 1-aad ee Mudug kadib markii ay ciyaar
xiiso badan ay laciyaareen kooxda difaacanaysa horyaalka ee RPS.

Ciyaartii shalay ayaa ahayd mid kulul waxaana kasoo qaybgalay maamulka
Sportska gobalka Mudug guddoomiyaha ciyaaraha gobolka Mudug Cabdihodan cali (dayax leef) oo kamid ahaa musuliyintii kasoo qaybgalay ciyaartan dhexmartay kooxa Comsed iyo RPS waxana uu guddoomiyaha labada kooxoodba uu kula dar darmay inay ciyaar wanaag so bandhigan dolqadna ay yeeshan madaama uu kulankooda ahaa mid kooxdii lagabadiyo ay harto.


Dhinaca kale waxa isna labada kooxda la dardarmay guddoomiyaha kooxda
Comsed Cabdiqani carabey waxana uu si iskumid ah ulahadlay labada kooxdaba isagona uu sheegay in labada kooxdaba laga donayo Ciyaar wanaag inay soo bandhigaan.


Ciyaartan ayaa xiligii ay bilabatay ayaa waxaa fursad soo martay uga faa
'iideeyay kooxda Comsed ciyaar yahan kooxda qadka dhexe uga ciyaara ee
lugu magacabo Cadde kasi oo kooxda uu xaqijiyay goolkii 1aad,balse kooxda
RPS ayaana meesha ku harin oo markiiba waxay ay dhaliyeen gool kale kasii
oo ciiyarta bar-baro ka dhigay waxana sora gashay in qaybti hore ay kusoo
idlaato Gool iyo Gool.

Lugtii labaad ee ciyaarta ayaa laysku soo labtay waxana ay ku bilabatay si
dar dar leh oo labada kooxdba ay is weerareen balse markale waxaa fursad ay
soo martay kooxda difaacanaysa horyaalka ee RPS iyadoona kooxdu ay dhalisay
Goolki 2aad kasii oo hoganka marqura uu dhibay kooxda RPS,balse Comsed ayaa iyaduna si dag dag ah haganka uga dhigtay ciiyarta RPS kadib markii goolkii bar baraha ay heleen.

Waqtigii loogu tala galay waxaa lagu kala baxay 2-2, iyadoo labada jeerba
goolka ay la hormartay kooxda RPS.

Sida sharciga ahaydba lug ku laadkii ayaa loo dhigay labada kooxood
waxaana halkaasi guusha ay ku raacday kooxda Comsed.

Guushan kooxda Comsed waxay uu sahashay inay uu soo baxdo kulankii uga
danbeeyay ee tartanka tayaynta kooxaha heerka 1-aad ee Mudug,waxayna
finaalka la ciyaarysa nadiga telcom oo aay isku group ahayeen oo 3 1
ku badisay nadiga comsed fc

Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line