• Cosmed Oo 5-1 Beerka U Gelisy 1 Nation

     

Ciyaar aad u xiiso badan oo ayaa garoonka ciyaaraha ee Cawaale Stadium ku dhex martay kooxda Comsed FC iyo kooxda 1 nation oo lagu maamuusayay maalmaha Ciida oo ku soo beegantay maalin uu magaalada ka da'ayay roob ayaa soo jiidatay indhaha boqolaal qof oo garoonka isugu yimid.

Furitaankii ciyaartani waxaa ka hadlay gudoomiyaha dhalin-yarada iyo ciyaaraha gobolka Mudug C/hodan Cali Dayax-leef, waxaana uu garoonka ku soo dhaweeyay kooxdii martida ahayd ee ka timid gobolka Bari, isagoo tilmaamay in ciyaartani ay tahay mid is-dhex gal oo dhalin-yaro kala fog ku kulmayaan.

Gudoomiyaha kooxda Comsed C/qani Khaliif Carabeey ayaa isaguna furitaankii ciyaarta labada kooxoodba ku baraarujiyay inay muujiyeen ciyaar wanaag maadaamaa ay yihiin labo kooxood oo saaxiibaa, wuxuuna ka hadlay inay dhalin-yaradu ka fogaadaan mukhaadaraadka iyo qabyaalada si ay u sameeyaan hor-mar iyo guul.

Labada kabtan ee labada kooxood ayaa iyaguna bulshadii garoonka isugu timid waxay u jeediyeen hadalo qiimo leh kuwaasoo ay u sacaba tumeen bulshada.

Ciyaartaasi oo aad u kululayd ayaa labada kooxoodba waxay soo bandhigeen kubad ay ku dheehan-tahay farsamo iyo xariiftan, waxaana ay noqotay ciyaar weerar iyo weerar celis u badan, inkastoo kooxda Comsed ay dar-dar badnayd.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa gool kaga naxsaday kooxda 1Nation kooxda Comsed waxaana u dhaliyay Nuune, labada kooxood ayaa markaasi bilaabay weerar culus.

Gaba-gabadii ciyaarta ayaa ku idlaatay 5-1 oo guusha ay ku raacday kooxda Comsed iyadoo halkaasi ay ku soo ban-dhigtay ciyaar heer saraa taasoo ay u riyaaqeen dadkii daawanayay, horayna looga bartay ciyaartan oo kale

.
Mulkiilaha kooxda Comsed Dr; C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhaga-cade) ayaa soo dhaweeyay guusha ay gaadhay kooxda Comsed oo kulankan ku ciyaartay qalab cusub


Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line