• Kooxda COMSED Oo Xaflad Sagootin Ah Loogu Sameeyey Muqdisho

Kooxda difaacanaysa horyaalnimada Soomaaliya ee Elman ayaa maanta qado sharaf sagootin ah waxa ay ugu sameysay muqdisho kooxda COMSED oo ka socota Puntland oo maalmahanba safar ciyaareen saaxiibtinimo ku bixinaysay magaalada Muqdisho.Munaasbadan ayaa waxaa lagu qabtay xarunta naadiga Elman ee Muqdisho, waxaana lagu sagootinayey kooxda COMSED oo maalinta berri ah lagu wado inay ka ambabaxdo Magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada Gaalkacyo.Ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadlay xoghayaha naadiga Elman oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in kooxda kubadda cagta COMSED ee ka socota magaalada Gaalkacyo ay ka ogolaadaan casuumadda ay fidiyeen, ugana mahadceliyey.

Guddoomiye ku xigeenka naadiga Elman C/llaahi Maxamed Guure oo isna goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in u jeedada qadadan ay u sameeyeen haddii ay yihiin naadiga Elman ay tahay mid ay ku macsalaameynayaan ama ku sagootinayaan maamulka, macallimiinta iyo ciyaartoyda kooxda COMSED oo kulamo saaxiibtinimo oo ay ku ciyaartay caasimadda Muqdisho kaddib dooneysa inay dib ugu laabtaan magaalada
Gaalkacyo.

"Waan idin kaga mahacelinaynaa COMSED intii aad joogteen magaalada Muqdisho dulqaadka aad muujiseen, waxaana idinka raali gelinaynaa wixii qaladaad ah oo naga dhacay intii aad martida u ahaydeen Elman iyo Dekedda" ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka naadiga Elman C/llaahi Guure.Guddoomiyaha Guud ee naadiga Dekedda C/raxmaan ayaa dhankiisa sheegay in naadiga COMSED ay caddeysay in kubadda cagta Soomaaliya gees ka gees isku furan tahay ayna tahay wax ku dayasho mudan. Macallinka kooxda COMSED macallin Ilyaas oo munaasbadda ka hadlay ayaa isaguna u mahad celiyey milkiilaha naadiga COMSED Dr. Dhaga-cadde oo uu sheegay inuu yahay shaqsiga kaliya ee suurta galiyey inay safarkaan ku yimaadaan Muqdisho kulamo saaxiibtinimana ku ciyaaraan

.Macallin Ilyaas ayaa sidoo kale u mahadceliyey xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo kooxaha Elman iyo Dekedda oo uu sheegay inay shafka u garaaceen inay la yeeshaan COMSED ciyaaraha saaxiibtinimo. "Dhammaantiin waxaan idinkaga mahad celinaynaa, qaabka aad noosoo dhaweyseen, qaabka aad noo sharafteen, qaabka aad noo marti qaaddeen, waxaan idinku sheegno ma naqaan laakiin waxaan leennahay waad mahadsantihiin" ayuu hadalkiisa ku soo xiray macallin Ilyaas.

Guddoomiyaha naadiga COMSED C/qani Khaliif Carabeey oo munaasabadda ayaa ugu horreyn u mahadceliyey xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, kooxda Elman iyo Dekedda, waxa uuna sheegay in tallaabada ay bilaabeen oo ay ku yimaadeen Muqdisho ay tahay mid ay dadka ku tusaaleynayeen in isboortigu uusan lahayn xumaan, islamarkaana bulshada Soomaaliyeed aysan kala maarmin."Hadda Boosaaso, Garoowe iyo Qardho waxaa ka soo yeeraya Taleefanno ay leeyihiin Muqdisho ama hannoo yimaadaan ama inagaa u imaanayna, taasna waxay caddeyn u tahay wadaddii taariikhda lahayd ee ay furtay naadiga COMSED, waana mid muhiim ah oo qof walbaahi soo dhaweeyey" ayuu yiri guddoomiyaha naadiga COMSED C/qani khaliif Carabeey.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa dhankiisa waxa uu xusay in COMSED markii ay dib u laabato ay gudbin doonaan farriin ah wixii ay Xamar ku arkeen oo ka duwan wixii ay filaayeen markii ay yimaadeen. "Dhallinyarada kooxda COMSED waxay fureen Albaab nabadgalyo oo waxa ay yihiin geesiyaal, waxaan hubaa inay gudbin doonaan farriin ah wixii ay xamar ku arkeen, waxaa laga yaabaa maalintii ay Xamar imaanaayeen ama waala aadaa la yiri inay dhibaato ku ahayd, markii ay ku noqdaan gurigoodii Gaalkacyo waxaan hubaa inay gudbin doonaan farriin ka duwan tii ay shalay qabeen" ayuu yiri guddomiye ku xigeenka koowaad ee Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cali Shiine.Dhanka kale maamulka kooxda Elman ayaa ugu dambeyn goobta ku guddoonsiiyey naadiga COMSED qalab isboorti oo isugu jiray kabo iyo kubbado, waxaana COMSED u guddoomay qalabkaas guddoomiyaha iyo Kabtanka kooxdaasi.Munaasbadan ayaa waxay ku soo dhammaatay jawi aad u heer sarreeya, balse arrinta aniga sida gaarka ah ii soo jiidatay waxay ahayd in xiddigaha kooxda Elman ay dhexda u xirteen soo dhaweynta saaxiibadooda COMSED oo ay iyagu gacantooda ugu geynayeen raashinta iyo sharaabka ay ku sagootinayeen, cabitaanka u shubayey waana arrin kale oo soo dhaweyn mudan.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line