• Shirkii FIBA Iyo Prof. Dalxa iyo Jaaliyada Soomalida Masar oo si diiran usoo dhaweeyay Eng. Baana

     

 

Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Ambasador Abdullaahi Hassan ayaa xarunta Safaarada Soomaalida ee dalka Masar ku qaabilay Madaxa Suuq-geynta Fiba Africa Zone V, ahna Guddoomiye kuxigeenka Fiba Africa Eng. Baana Abdalla Ali, oo Muddooyinkaan Howlo shaqo u joogay Magaalada Qahira ee dalka Masar halkaasi oo ka socday Shir Madaxeedka Xiriirada Kubada Koleyga Qaarada Africa.

Soo dhaweyn Diiran oo Baana Ali loogu sameeyay Xarunta Safaarada, waxa uu Ambasador Abdullahi Xasan ugu Hambalyeeyay Xilalka Muhiimka ah ee uu Eng. Baana ka haayo Xiriirada Kubada Koleyga Qaarada Africa iyo kan Jaamacada Carabta, isagoona kula dar-daarmay in uu sii wado dadaaladiisa ku aadan Horu-marinta Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubada Koleyga.

Sidoo kale Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Qaranka Soomaaliya isla markaana ka mid ahaa Xildhibaano ka socday Jaamacada Carabta oo dhawaan booqday Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin ayaa Xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Masar kula kulmay Eng. Baana Abdalla Ali, Isagoona dhankiisa soo dhaweeyay dadaalada uu ku tilaabsaday, isla markaana kula dar daarmay in uusan ka caajisin Howlaha shaqo ee uu hayo.

Dhanka kale Guddoomiyaha jaaliyada isboortiga Soomaaliyeed ee Magaalada Qaahira Osman Hassan Omar (Ozi) iyo xubnaha Jaaliyada Soomaalida ayaa si wada jir ah usoo dhaweeyay Eng. Baana Abdalla Ali, iyagoona ku tilmaamay Halyey Soomaaliyeed oo u istaagsan in uu Isboortiga Soomaaliya horu-mariyo, isla Markaana caalamka wax la qeybsado.

Baana Ali oo horey u ahaa Xoghayihii Guud ee Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya, isla Markaana xilligaan Xilal ka haaya Guddiyada Kubada Koleyga Qaarada Africa iyo Kan Jaamacada Carabta, ayaa Mahad celin balaaran u jeediyay Madaxda Safaarada Soomaalida ee dalka Masar iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Qaahira.



Salah Hassan Omer




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line