• Cayaaryahan ka tirsan Kooxda Dahabshiil oo la ganaaxay

Guddiga Dihsibiliinka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ganaax laba dhinac ay dul-dhigay Cayaaryahanka la yiraahdo Nuur Ibraahim Cali oo ka cayaara horyaalka heerka 2-aad ee dalka Soomaaliya una safta Naadiga Dahabshiil Nambarka 2-aadna u xirta kaddib markii uu ku kacay falal ka dhan ah xeerarka kubada cagta dalka iyo Kan caalamiga ah intaba.

Intii ay socotay cayaar dhex martay naadiyada D.B.G iyo Dahabshiil 10-kii bishan June kuna dhamaatay bar bar dhac 2-2 ah ayaa cayaaryahan Nuur Ibraahim Cali uu ku kacay qaladaad ay ka mid yihiin aflagado garsoore iyo isku day dagaal abuurid cayaaryahanada dhexdooda , wuxuuna si cad ugu xad gudbay qawaaniinta tartanka.

Hadaba guddiga Dishibiliinka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadqa cagta oo maanta shirk ku yeeshay xarunta xiriirka ee magaalada Muqdisho ayaa soo saaray ganaaxa kaddib.

1- Markii uu guddigu arkay warbixinta garsoorihii cayaarta iyo sidoo kale warbixintii xeer ilaaiyaha.

2- Markii uu guddigu darsay xeerka tartanka qodobadiisa 37-aad iyo 38-aad wuxuu guddiga anshaxa iyo dishibiliinku go’aamiyay in cayaaryahan Nuur Ibraahim Cali laga ganaxay 5-ta cayaar ee kooxdiisa ugusoo horeysa oo uusan safan doonin iyo lacag dhan 100 doolar.

Wuxuu guddigu warbixintiisa ganaaxa ku sheegay in cayaaryahan Nuur Ibraahim Cali uusan wax appeal ah ka qaadan Karin ganaaxa la saaray.

Cayaaryahankan ayaa noqonaya cayaaryahankii labaad ee la ganaaxo tan iyo intii ay bilaabmeen horyaalada heerarka B iyo C ee dalka. Iyadoo dhanka macalimiintana ilaa iyo hada hal macalin oo keliya la ganaaxay kaasoo ah Macalinka naadiga Badbaado Ismaaciil Cali Maxamuud oo hada ganaaxiisiisoo dhameystay.



 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line