• Darbo Weyne Oo Dagaal Ku Bilaabay Wiish

Muxuyadin Xasan Cali (Darbo weyne) oo 19-kii March xaflada ka dhacay hotel Global loogu doortay gudoomiyaha Gudiga Olympic Somalia ayaa todobaadkii tagay ka dhoofay magaalada muqdisho isagoo ku sii jeeda magalaada Lusan ee xarunta u ah hayda International Olympic Committee ee loo soo gaabiyo IOC

Muxuyadiin Darbo weyne oo intii uusan dhoofin la hadalay dadka wararka fidayay ayaa sheegay inuu martiqaad ka helay hayada IOC si ugula hadalo doorashiidii loogu doortay gudoomiyah Somali Olympic Commitee gaar ahaan si uu ugu sharaxo inuu yahay shaqasi lagu doortay doorasho xaqa ah oo somalia ka dhacaday.

Darba weyne ayaa tilaabadaani uu qaaday waxey u tahay mid uu ku raadinayo sidii uu aqoonsi ugu heli lahaa hayadah sports caalamka maamula, si uu sharci ugu dhigo doorashii lagu doortay, inta uu safarkaan ku jiro wuxuu kaloo uu safaro ku soo mari doonaa dhawr wadan caalamka ah, sida laga soo xigtay.wuxuu u muuqadaa markaan , inuu bilaabay dagaalka rasmiga ah ee uu la galayo ninka ay isku hayaan hogaanka gudiga olympic-da soamaaliyeed , isagoo waliba kaga hormaray xarunta loogu arimiyo IOC.

Darbo wuxuu ka mid yahay qab qabalayaasha sports somalia dhulka la galay, marka laga soo tago dagaalka cusub ee uu ku jiro wuxuu ku eedeysan yahay inuu lunsaday lacago uu lahaa xiriirka k/cagta xiligii uu madaxada ka ahaa.

Mr. Muxudin wuxuu caan ku noqday sidii uu mucaarada hubeysan ugu noqon lahaa xiriirkii uu u arko inuu lacago fara badan lagu kasban karo , gaar ahaan wuxuu hada si wada jir ah u sheegtaa inuu yahay gudomiyaha xriirka k/cagta iyo gudoomiyaha Olympic Somalia

Waa dagaal yahan aan gaban aan xishoon, waa nin aan kala aqoon guusha iyo guuldarada wuxuu jeclayahay in wixii uu ku dhago loo daayo sax iyo qalada waxey doonaan ha ahaadaane, markaan waxey kaga dhagan tahay inuu Wish ku qalqal galiyo jagadaada uu dagaalka badan u soo galay hayeeshee wuxuu hilmaamsan yahay sida dadka qaarkii u arkaan in ninka uu jagadaan kula dagaalamo uu yahay macangag kale oo aan ka waaban ninkii si toos ah u soo hunguriyeeya kursiga uu ku fadhiyo. si uu ugu soo muuqado saaxada sports somalia oo waayihii ugu danbeeyay laga waayay wuxuu darbo weyne wuxuu safar ku aaday Lusan si uu ugu sheego IOC in doorashada Jabouti lagu qabtay ay tahay mid sharci daro ah, isla markaana iyadoo doorasho Muqdisho lagu qaban karo ay dada dano gaar leh jabouti la aadeen xilkii somalida ka dhaxeeyay.

Dhanka kale warar laga soo xigtay xafiiska Wish ayaa sheegaya in Wish iyo Wasiirka Sports ay safar ay ku aadayaan xarunta IOC qaban qaabadiisa lagu jiro, si ay ugu soo sharaxaan wixii ka dhacay Jabouti, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay Nairobi yimaadaan


W/D Sir Sunni Said Salah
sirsunni@gmail.com
Senior Somali Sports Journalist

 

 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;