• Tartan Kubadda Cagta oo lagu Maamusayay Wasiirrada cusub ee maamulka Jubaland oo ka furmay Magaalada Kismaayo

Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd December 12, 2013 si toos ah u furmay Tartan ciyaareed ay ku baratamayaan shanta xaafadood ee magaalada Kismaayo, kaasoo lagu maamuusayo golaha cusub ee wasiirada maamulka Jubaland ee dhawaan lagu dhawaaqay.


Ciyaartan oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland oo ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga, Maxamed Faarax Warsame (Darwiish), Afhayeenka Maamulka Jubaland, C/naasir Seeraar Maax, Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Cabdulahi Qaldaan, Guddoomiyaha Qurba-joogta Sports ka G/J/Hoose Cabdisamed Shekh Qasim, Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Gobolka Burhan Kukuyo iyo dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid shanta xaafadood ee kala ah Calanley, Shaqaalaha, Guulwade, Fanole, iyo Farjano. Waxaa qaybta A kuwadda jira xaafaddaha Calanley, Guulwade, iyo Farjanno oo laga rabo in ay hal koox ka soo baxdo. Qaybta B waxaa kuwada jira Shaqaalaha iyo Fanole ooh al koox laga rabo.

Haddaba Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagte ee Gobolka J/Hoose Burhaan Maxamudd Xasan (Kukuuyu) ayaa sheegay in ciyaartan ay tahay mid ay kusoo dhaweynayaan xubnaha cusub ee golaha wasiirada maamulka Jubaland ee dhawaan lagu dhawaaqay, wuxuuna sheegay in ay ku tartami donaan kooxo kala matali doona shanta xaafadood ee ay ka koobantahay magaalada Kismaayo.


Afhayeenka maamulka Jubaland Cabdnasir Seeraar Maax ayaa isna goobta ka hadlay, waxa uuna ku booriyay dhalinyarada isboortiga in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo isdhexgalka bulshada, wuxuuna xusay in ay soo dhaweynayaan tartamada caynkan oo kale ah


Dhammaan masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa u hambalyeeyay xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose, oo ay ku amaaneen horumarka uu gaarsiiyay isboortiga gobolka.
Ugu danbeyntii waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Maamulka Jubaland Maxamed Faarax Warsame (Darwiish), waxa uuna sheegay in ay soo dhaweynayaan tartanka lagu maamuusayo golaha cusub ee wasiirada, wuxuuna ballan qaaday in ay caawin doonaan isboortiga gobolka. Wuxuu si gaar ah ugu mahadnaqay dadkii iyo guddigii suurta galiyey in doorasho xalaal ah lagu doorto xiriirka Kubadda cagta ee gobolka.

Intaa kadib ayaa waxa bilaabatay ciyaartii oo dhexmareysay kooxaha Farjanno iyo Guulwade, waxaan ciyaartani ay ahayd mid aad u xiiso badan oo labada kooxood ay kusoo bandhigeen ciyaar kulul islamarkaana ay la dhaceen dadweynihii daawanayay. Ciyaarta ayaa kusoo gabagaboowday barbaro, iyada oo aysan labadda kooxood wax goolal ah kala dhalin, waxaana fooda is daraya maanta oo ay taariikhdu tahay December 12, 2013 labadda kooxood ee kala ah Calanley iyo Farjano.
W/D M. Deeq Abdiwahab
Xiddigaha/Kismayu

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line