• Nimaan talin jirin hadduu taliyo nimaan tagi jirin baa taga

     

Waxa ay aheyd Habeen ay si weyn u wada sugayeen Shacabka Soomaaliyeed in uu Calankooda Buluuga ah kasoo dhex Muuqda Tuulada Ciyaaraha Olompikada ee London Olompic Games 2012.


Tan iyo Diyaar Garowgii dalka Soomaaliya uu u galay ka qeyb galka Ciyaarahaasi, waxaa Quluubta Shacabka Soomaaliyeed ku jiray in Mar kale uu Calanka Buluuga Saaxada Caalamka la dhex mari doono Ciyaaryahankii weynaa ee Ciyaaraha Fudud Cabdi Bile Cabdi.
Marka aan eegno Shacabkeena Soomaaliyeed Mar waliba waxaa u Muhiim ah in

Calankooda Buluuga ay ka dhex Arkaan Saaxada Caalamka, balse hadii aynu-nahay Soomaali ma is weydiinaa Maxaa inaga qaldan, Maxaa inaga qaldamay, Halkee nalaga heystaa.

Waa Guul, Waa Farxad, Waa Taariikh in Ciyaaraha Olompikada 2012 uu Calankeena Buluuga kasoo dhex Muuqdo, Balse waxaa niyad jab, iyo Murugo nagu ah In Ciyaaryahankeena weynaa ee Ciyaaraha Fudud Cabdi Bile Cabdi, Safar Dheer loosoo geliyo sidii uu u Xambaari lahaa Calanka Soomaaliyeed, daqiiqadihii ugu danbeeyayna lagu war-geliyo in uusan aheyn ninka Calanka Buluuga ah Xambaari doono.
Guddiga Olompikada Soomaaliyeed ee G.O.S ma yihiin Guddi og Halka ay u socdaan, iyo Shaqada ay qabanayaan.?.

Waa su'aal cid waliba sida ay doonto u fasiran karto, balse Adigoo aan deg degin si taxadir leh u Aqri Qoraalka Soo socda !

2-Todobaad Cabdi Bile Cabdi, Waxa uu ku sugnaa London, Waxaa loo sameeyay Xaflado aan kala joogsi laheyn, Guddiga Olompikada Soomaaliyeed ayaa Marti qaaday, waxa ay u marti qaadeen in uu Qaado Calanka Soomaaliya xilliga Furitaanka Ciyaaraha Olompikada, Cabdi Bile Waxa uu Saxaafada Caalamka u sheegay in uu yahay ninka Qaadi doona Calanka Buluuga.

Shaqsi ahaan Waxaan ogaaday 26-07-2012 - Maalin Khamiis ah in Cabdi Bile uusan aheyn ninka Qaadi doona Calanka Soomaaliya, isla markaana Calanka ay qaadi doonto gabadha Soomaaliyeed ee Ciyaarta orodka Soomaaliya ugu qeyb galeesa Tartanka Olompikada ee Zamzam, Balse waxaan si taxadir leh u dhowray in aan Warbixintaas ku deg dego.

Wey dhici laheyd in Hadii aan Warbixintaasi Qori lahaa dad badan ay shaki gelin lahaayeen, waayo, isla habeenkii waxaa Idaacada VOA laanteeda Afka soomaaliga Wareysi siiyay Cabdi Bile Cabdi oo sheegay in uu yahay Ninka Qaadi doona calanka Buluuga, isla markaana lagu Marti qaaday.

Magaalada London Waxaa Maalintii jimcaha aheyd gil gilay Hadal heynta ah in Cabdi Bile uusan Qaadeynin Calanka Buluuga ee dalka Soomaaliya, balse waxaa la yaab aheyd in Guddiga Olompikada aysan Arrinkaasi oo idil wax war bixin ah u heynin, illaa uu xariir la sameeyay Saxafi Madax banaan oo aan dooneen in aan Magaciisa soo xigano, xilligaas oo ay sheegeen in aysan Warkaas u warheyn balse ay ogaan doonaan waxa ka jira.

"Guddiga Olompikada Aduunka ayaan wacnay, waxa ay nagu war geliyeen in qof aan Ciyaartoy aheyn uusan qaadi karin Calanka, Manaqaan wax aan sameeno" Waxa uu ahaa hadalka kasoo yeeray Madaxda Olompikada Soomaaliya Salaadii Jimco ka dib xilligaas oo ka qeyb galka xaflada uu ka dhinnaa Saacado.
Maxaa kaaga baxay Jawaabtaas ?- Is-weydii hadii aad tahay shaqsi Aqrisanaya Qormadaan, Aaway Mas'uuliyadii iyo Shaqadii Guddiga Olompikada, Mise Shaqadooda waxa ay ka badan weysay ka qeyb galo Casho, oo ay waxa ay fursad u waayeen in ay Ogaadaan Howsha ay u yimaadeen iyo waxa sugaya.

Waa dhabar jab iyo Fool Xumo in dad sheeganaya Mas'uuliyiin ay ogaan waayeen dadka ugu qeyb galaya Xaflada iyo dadka aan ugu qeyb galeenin, cida calankooda qaadaya iyo cida aan qaadeenin.
Guddiga Olompikada Soomaaliyeed waxaa London kusoo dhaweeyay 30-meeyo Ciyaaryahano horey oo dalka Soomaaliya Magac iyo sumcad ku lahaa kuwaasi oo ku nool dalka Britian xaqna u lahaa in Guddiga Olompikada ay kala qeyb galaan Xaflada Furitaanka, balse taasi badalkeeda waxa ay Guddiga Olompikada Door bideen in shaqsiyaad loo Madax salaaxayo Wadamo kale laga waco isla markaana Xafalada Furitaanka ay ka qeyb galaan.
Hadaba Su'aasha Taagan waxa ay tahay Mar hadii ay G.O.S ku fashilmatay Ciyaaraha Olompikada 2012, isla markaana ay meel ugu dhaceen sharaftii iyo sumcadii Ciyaaryahankii weynaa Cabdi Bile Cabdi, Maxaa la gudboon.?.

W/D Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line