Home|


Abdulkadir Musse Jamac (Dhame)

Barnaamijkii xiddigaha ee cadadkan waxaan idinkugu haynaa cayaartooygii caanka ahaa ee Dhame una ciyaari jiray kooxaha Muqdisho, Waxool iyo xulka kubadda kolleyga ee Soomaaliya.

Cabdulqadir Jamac Muuse oo bahweynta sportiga ay u yaqaniin Dhame wuxuu ku dhashay magaalada Muq disho, gaar ahaa xaafadda Cabdicasiis.

Dhame waxbarashada dugsiga hoose iyo kan dhexe wuxuu kaga soo baxay dugsigii hoose dhex ee Cabdicasiis. Halka dugisga sarena u kaga soo qalan jabiyay dugisga sare ee Sakhawadiin.

Inkastoo Dhame uu yaraantii aad u jeclaa una ciyaari jiray ciyaarta kubadda kolleyga (Basketball) ayaa wuxuu nasiib u yeeshay inuu si rasimi ah garoon u galo sannadkii 1980kii. Isagoo ka qeybgalay tartankii ciyaaraha dugsiyada ee magaalada Muqdisho. Tartankan ayaa waxaa ku guleestay dugsiaga Sakhawadiin ee uu Dhame ka tirsanaa.

Isla sannadkan ayaa loo magacaabay xulka K/Kolleyga ee gobolka Banadir

Dhame iyo gobolka Banadir ayaa si xarago leh ugu guuleestay tartankii gobolada ee kubadda kolleyga.

Dhamadkii sannadkii 1980kii ayuu Dhame ka mid noqday ciyaartooyda heerka kowaad Seria A. Isagoo u saftay kooxda Waxool, iyadoo intii ay socdeen tartankii gobolada uu tababaraha kooxdan uu isha ku haayey ciyartooygan.

Sannadkii 1986dii ayuu Dhame ku wareegay kooxda Muqdiho. Isla sannadkii xigay kooxdan oo aan weligeed ku guuleysan horyaal ayuu Dhame u hogaamiyay iney ku guuleysatay horyaalkii ugu horeyeeya sannadkii 1987dii isla markaan ku darsatay koobkii General Da'uud. Haddana sannadkii 1988 ayay sidoo kale kooxda ku guuleysaty horyaalka iyo koobka General Da'uuda. Ciyaartooydii ay sannadahan sida weyn ay saanta isula heli jireen waxaa ka mid ah Abukar Shiino, Isaaq Dheere, Muridi, Axmed Aburkar (Axmedey B) iyo Mustafe gabdho.

Sannadkii 1981gii ayaa Dhame loo magacaabay xulka qaranka isagoo ka tirsanaa ilaa iyo sannadkii 1988dii.

Ciyaartii ugu horeysay ee uu u safto xullka qaranka waxay ahayd tartankii All African Games ee lagu qabtay magaalada Muqdisho. Tartannkan ayaa xulka Somalida ka galay kaalinta 3aad.

Dhame muddadii uu ka tirsanaa xulka qaranka wuxuu ka qeybgalay dhow taran ee isugu jira kuwa Carabta iyo kuwa Afrikaanka intaba. Waddamadii uu ku soo ciyaaray waxaa ka mid ah;

Kenya, Masar, Marocco, iyo Jordan. Ciyaartooydii xulka qaranka ee sida weyn ay Dhame u wada saan qaadi jireen waxaa ka mid ah Barajab, Abukar Shiino, Bashir Fox, iyo Shiikha.

Dadka sida weyn u xiseeya ciyaarta kubadda kolleyga ayaa markii ay maqlaan magaca Dhame waxaa durbadiiba xasuustoodi ku soo dhaceysa ciyaartii dhex martay Jeenyo iyo Muqdisho sannadkii 1987dii oo ayad ciyaartaar Final ah. Ciyaartan ayaa waxaa qeybteedi hore si weyn u gacan sareeyay kooxda Jeenyo iyadoo ka horeysay kooxada Muqdisho 11 dhibcood. Qebtii labaad ee ciyaarta markii leesugu soo noqday ayaa Dhame halkaasi kooxdiisa ugu dhaliyay 21 gool oo isku xigta tasoo u horseeday iney kooxda Muqdisho guusha raacdo.

Dhame wuxuu ciyaaraha ka fariistay sannadkii 1988dii dhamaadkeedi isagoo markaasi waddanka ka soo tagay

W/D Mohamed Busuri