• Riyadii Seif & Xiddigaha oo ay bur buriyeen Banadir & Ohio

Waxaa magaalda Toronto si xiiso leh uga socda tartankii TODAY Somali Week 2015.

Ciyaartii Quarter-finals ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Xiddigaha iyo Banadir.

Ciyaartani ayaa iyadu ahayd mid lasii hadal haayey maalmahan oo dhan iyadoo la filayey in Xiddigaha ay si fudud uga badan doonto Bandir, iyadoo weliba la sii saadaalinayey in ciyaarta finalka ay isaga hor imaan doonaan Seif iyo Xiddigaha.

Haddaba ciyaartooyda Seif iyo Xiddigaha oo saadaalintaasi dhegahooda kusoo dhacayey ayaa bilaabay iney ku riyodaan ciyaarta finalka, iyagoo iloobayba in ciyaarta finalka ay ka horeyaan kullamo kale.

Haddaba intaan leesla gaarin ciyaartii finalka ayaa kooxda Banadir ay 3-0 ku dubatay Xiddigaha kullankii Quarter-finals ee shalay. Halka TMT Ohio ay iyaduna 1-0 ku dharbaaxday Seif.

TMT Ohio ayaa diyaar u ah iney final la ciyaarto Bandir ama Windsor hadda kooxda badisa kulanka maanta dhici doona.

Ciyaarta finalka ayaa waxaa lagu qaban doonaa Centennial Park berrito oo ay bishu tahay August 2, 2015.

Tartankii dhalinta cuslaatay waxaa ciyaarta finalka isgu soo haray kooxda reer Toronto iyo Somali Stars Washington.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line