|
Kooxda Toronto United ayaa ku guuleysatay North America youth challenge cup 2009. Ciyaarta kamadambeynta ee tartankan ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Toronto United oo ciyaarta semi-finalka 2-1 kaga soo badisay Ohio United iyo kooxda Seif FC oo iyaduna 3-2 kaga soo taqalustay FC Hilaac. Ciyaartan Finlka oo jawi qurux badan ku bilaabantay ayaa durbadiiba labadan kooxood ay weerar iyo weer celin isku bilabeen. Wixii lees weeraraba kooxda Toronto United ayaa goolka ku hormartay. Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay Toronto United ku hogaamineyso. Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa haddan kooxda Seif Fc loo labeeyay. Markii ay ciyaartu mareyos 2-0 ayaa Seif FC loo dhigay Rigoore (Penalty). Rigoorahan ayaa waxaa laaday Mohmed Seif balse goolhayaha Toronto ayaa diiday in kubadda la daba mariyo. Kooxda Seif ayaa markii uu ka qasaaray goolka sii kordhiyay weerarkii nasiib darrose iyaga ayaa laga dhaliyay goolkii 3aad. Ciyaartan ayaa ku dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday Toronto United sidaana ula hooyda koobkii. Tartanka gool dhallinta waxaa ku guuleystay ciyaartooyga weerarka ugu ciyaaraayay kooxda Ohio Fuad isagoo dhaliyay 9 gool. Goolhayaha kooxda Toronto United ayaa loo magacaabay ciyaartooyga ugu wanaagsana MVP. Kooxda Hilaac Toronto ayaa iyaduna la guddoonsiiyay koobka anshax wanaaga. W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|