• Djokovic Oo Ku Guuleystey Rogers Cup Tennis Markii U Awood Sheegtey Mart Fish

Montreal-Rogers Cup-xiddigaha.com-OTTAWA-Aug-14-2011-Saaxiibayaal barnaamijkeena cayaaraha waxaynu ku soo qaadanaynaa koobkii Rogers Cup oo lagu kala faraxashey waxayna ahayd ciyaar la wada sugayey.

Waxaa foodda isgaliyey labda ciyaaryahan oo kala dhashey Djokovic SERBIAN iyo Fish oo ka soo jeeda Usa.

Haddaba cayaartan finalka ahayd waxaa ka soo qeyb galey dadweyne aad u tiro badan dabcan ayna ka maqneyn labadan ciyaaryahan taageerayashooda.

Ciyaartan oo ku bilaabantey ishujoom badan ayaa midkastaa ku dadaalayey sidii aan looga hormarin sedka kowaad First Set,Fish oo lagu yaqaaney fudeyd badan oo ay u raacsantay farsamo wanaagsan ayaa waxaa joojiyey hogaankana u hayey set ugu horeeyey Djokovic.

Hadal iyo dhamaantii waxaa ku guuleystey koobkii Rogers Cup Cyaaryahanka reer Serbiya Djokovic kana guuleystey Mart Fish Usa-6-2- 6-3 – 6- 4 SETS.

Waa jaahuur oo idinle waa inoo mar kale haddii Eebe ka dhigo.

W/D-Jahuur
xiddigaha .com-Ottawa
jahuur@hotmail.com

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line