• Dunga Oo Sheegay Inuu Ka Maarmo Ronaldo

Tababarah xulka qaranka Brazil ayaa sheegay in aanu Ronaldo ka mid noqon doonin ciyaartooyda ka qeybgaleysa tartanka Confederations Cup iyo weliba ciyaaraha isreeb-reebka koobka adduunka ee bisha June.

Inkastoo Ronaldo uu hadder si weyn ugu dhex muuqdo horyaalka Brazil isagoo weliba ilaa iyo imminka dhaliyay 8 gool, haddana Dunga wuxuu sheegay inaanu weli diyaar u ahayn inuu ku soo laabto xulka qaranka.

Madaxweyne Lula, Pele' iyo Romario ayaa iyagana dhankooda kula taliyay Dunga inuu Ronaldo dib ugu soo celiyo xulka, has yeshee Dunga arrintan wuu ka biyo diiday.

Tababare Dunga ayaa sheegay in ciyaaraha isreeb-reebka koobka adduunka ay aad uga adag yihiin kuwa horyaalka Brazil, sidaa awgeedna aanu rabin inuu Ronaldo ciyaarsiiyo kullamo adag oo laga yaabo in dhaawaca dib ugu soo laabto.

Ugu dambeyntii Dunga ayaa sheegay in waqtigan la joogo uu Ronaldo ka maarmo, balse uu ciyaartooygan u yeeri doono oo keliya haddii uu kullamo badan ciyaaro, islamarkaana uu hubsado inuu ka bixi karo ciyaaro adag.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca




 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line