• Duran Farah,Guddoomiye Ku Xigeenka GOS Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeya Toronto

Guddoomiye ku xigeenka GOS Mudane Duran Farah, ayaa ka soo qeybgalay tartanka todobaadka Soomaalida (Somali week) ee magaalada Toronto.

Bahweynta sportiga reer Toronto gaar ahaan kuwa kubadda kolleyga ayaa iyagoo ka faa'iideysanaya booqashadan casho sharaf u sameeyay guddoomiye ku xigeenka.

Xafladan casho sharafta ah ayaa waxaa si heer sare ah u daa'dihinaayay xiddigihii hore kooxda k/kolleyga Jeenyo iyo xulka qaranka Cabdi Dheere.

Sheekh Qalaafe ayaa ugu horeyntii halkaasi aayadaha quraanka ka aqriyay, islamarkaan ereyo waano raaciyay.

Intaa kadib waxaa halaasi ka hadaly guddoomiyaha guddiga qaban qaabinta tartanka todobaadka Soomaalida ee kubadda kolleyga Said Farah Duale.

Guddoomiye Said ayaa ugu horeyntii ereyo soo dhaweyn ah halkaasi ka jeediyay. Mr. Said Farah ayaa sidoo kale si kooban uga hadlay tartanka uu isaga guddoomiyaha u yahay iyo guud ahaanba sporiga Toronto. Said ayaa carabka ku dhuftay in bahweynta sportiga ee North America ay haddeer ku talo jiraan iney dhistaan urur ay ku mideysan yihiin.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka GOS Duran Farah.

Mudane Duran ayaa ugu horeyntiiba u mahadceliyay sida sharafta leh ee loogu marti qaaday tartanka iyo casho sharaftan loo sameeyay.

Mudan Duran ayaa dadkii halkaasi isugu yimid u soo gudbiyay salaan uu uga siday Guddoomiyaha GOS Adan Xaaji Yabarow Wiish & xoghayaha GOS Abdullahi Tarabi. Intaa kadib wuxuu warbixin guud ka bixiyay waxqabadka GOS.

"Fulay xantii ma mooga", waan ogsoonahay in dadka qaar ay markasta eedeyn dusha ka saraan GOS. Eedeynta iyo wax isu sheega ma xuma laakin waxaa loo baahan yahay in eedeyntu ay noqoto mid wax dhista ee ma aham mid wax burburisa ayauu yiri Duran.

Duran oo hadalksiisa sii wata ayaa yiri: Qofka markii uu yiraahdo waxaasi wey qaldan yihiin waxaa loo baahan yahay inuu haddana sheegaa sidii loo saxi lahaa. Ma ahan oo keliya in lees eedeeyo iyadoon aan xal kale la hayn.

Mudane Duran ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday in bahweynta sportiga ee qurba joogta aaaney weli ka soo bixin kaalinta kaga aadanayd horumarinta sportiga dalka.

Marti sharaftii xafladan ka soo qeybgashay ayaa waxaa ka mid ahaa: Tababarah xulka kubadda kolleyga Cabdulqaadir Shiikha, Bashiir Fox, Saciid Muiuse oo ah ciyaartooy kubadda kolleyga ee ka ciyaara Qadar, Axmed Daahir, Abuukar Shiino, Madaxeey, C/llahi Xandule, Saleey, Gani Xassan iyo reer Toronto.

W/D Mohamed Busuri

mbusuri@xiddigaha.ca

 

 

 

 

 

 

 


 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line