• XAFLADDII FURITAANKA HORYAALKII KOWAAD EE
    DIXON YOUTH EDUCATION AND SPORTS CENTRE – DYESC – 2010

     

Waxaa maalinimaddii Sabtidda ee ay taariikhdu ahayd Janaayo 23, 2010 kii ka furmay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Dixon Grove tartan kubadda cagta ah ee caruurta iyo dhallinta ay da’doodu u dhexeyso 6 jir ilaa 18 jir oo gabdho iyo wiilalba ah.

Tartankani waa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee abid lagu qabto magaaladda Toronto wuxuuna noqon doonaa mid soconayaa ilaa iyo bisha Abril bartamaheeda iyadda oo ay ciyaaraha Finalka ay ku aadan yihiin 17 ka Abriil, 2010 ka kana dhici doonta Kipling CI.


Waxaa dadweynihii garoonka isugu yimid xiiso geliyey qalabkii Isboorti ee ay kooxahani qabeen iyo waliba nidaamka mehrajaanka oo kale ah ee ay safsafka ugu jireen.

Waxay kooxahani u kala qaybsan yihiin:

  • 4 koox oo heerka 1aad ah ama Seria A : Mogadishu, Batroolka, Horseed iyo Jeenyo.

Xulka afartan kooxood waxay noqon doonaan kooxda “Dixon FC” oo si aad ah loogaga dambeeyo garoomadda lagu tartamo sannadahan. Dhallintani waxay tababaraal u yihiin isla kooxahooda heerka B iyo C.

  • 4 kooxood oo heerka 2aad ah ama Seria B: Mogadishu, Batroolka, Horseed iyo Jeenyo.
  • 4 kooxood oo heerka 3aad ah ama Seria C: Mogadishu, Batroolka, Horseed iyo Jeenyo.
  • 4 kooxood oo gabdho ah: Wagad, Badda, Madbacadda iyo Gadiidka.

Mar aan wax ka wediiyey maamulka halka ay mareen Waxool iyo Sancada ayeey ii sheegeen in lagu jiro dhismahooda.

Akhristoow waxaa xusid mudan marti sharaftii ka soo qaybgashay furitaanka tartankan oo uu ka mid ahaa Mr. Gerry McLellan oo ka socday waaxda waxbarashadda ee Toronto isagoo halkaas ka jeediyey khudbad xiiso badan oo dhiirigelinaysay waxbarashadda iyo ciyaaraha sida ay isugu tiirsan yihiin. Mr. Gerry wuxuu isagoo ku hadlaya magaca MPP Donna Cansfield iyo Trustee John Campbell hambalyo u gudbiyey barnaamijkan iyo qabanqaabiyayaashoodii. Wuxuu kaloo ammaaney websiteka www.xiddigaha.ca iyo joornaalka SOMALI CANADIAN TIMES iyo tifatirahooda Mohamed Busuri oo uu ku tilmaamay mid wax weyn oo dhaxalgal ah u qabanaya bulshadda Canadian ka guud ahaan gaar ahaana midda Soomaalidda.

Waxaa kaloo halkaas erayo guubaabo ah ka jeediyey Principal Ali Abdi iyo Dr. Abdulahi H Mahdi oo si wanaagsan u turxaan bixiyey ujeedadda tartankan. Waxaa kaloo xusid gaar ah mudan rug-cadaagii hore ee Isboortiga sida Prof. Muse Nasir, Macallimiintii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliyeed Abdi Dhere iyo Buruno, ciyaartooydii hore sida Abdi Dibitati, Oday Mursal, Bashka, Sh Salax, Sh Qalaafe iyo waalidiin tiro badan oo mudan ammaan gaar ah sida ay u daba socdaan caruurtooda.

Waxaa ugu xiiso badnayd markii sawirka kooxaha la qaadayey inay ciyaartooydii hore ay fadhiga ka soo kacaan kuna biiraan magaca kooxdii uu barisamaad u ciyaari jirey taasoo dhiirigelin badan siisay caruurta iyo dhallintaba.

Waxaan halkan hambalyo u soo jeedinaynaa tababarayaashii iyo maamulkii isku soo duba riday tartankan muddo badana tababar siinayey caruurtan iyo dhallintan. Ilaahay ha u sahlo hawshan ugubka ah:
Dixon FC Manager: Abdikarim Aqil “ Codka”
Head Coach: Mukhtaar Mohamed Ahmed “M. Cutti”
Coach: Ali Mohamed “Ali Baba”
Coach: Bile Dirie
Coach: Amal Mohamed
Coach: Leila Abdisamed
Coach: Abdihakim “Ottawa”
Coach: Abdisamed Sheik-Qasim

W/DMohamed Ali

 





 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line