Waxaa maalinimadii axadii aan ka soo gudubnay taariikhduna aheyd Jan 31,2010, lagu qabtay shir sport oo aad u balaaran oo aan horey oga dhicin magaalada Edmonton, Alberta, Canada. Shirkaasoo ay kasoo qeyb galeen dhammaan cayaartoydii magaca iyo maa’muuska ku lahaa kooxahii heerka koowaad ee wadankeenii hooyo. Shirkaasoo ku saabsanaa sidii wax loogu qaban lahaa dhalinta da’da yar, dibu’dhaca iyo maamul la’aanta ka jirta sportiga iyadoo magaalada ay dagan yihiin tiro fiican oo looga danbeyn jiray garoomada cayaaraha, hadey noqon laheyd kubada cagta iyo midda koloygaba. Shirkaasoo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro isku xil qaantay isku keenida dhamaan dadka xirfada iyo aqoonta maamulba u leh dhinaca sportiga. Furitaankii shirkaba waxaa halkaa looga mahadceliyey Mudane Abdikhayr Cumar Xaaji oo asagu lahaa fikrada asalkeeda, dhalinyaro baddana ay kal shaqeeyeen. Dood dheer iyo falaqeyn dhinac walba leh ka dib, waxaa halkaa lagu go’aan saday arrimaha soo socda.
Waxaa gabagabdii shirka leysku raacay in la dhiso Urur la magac baxay Somali Canadian of Alberta Youth Sports Centre, waxaana Gudoomiye ku meel gaar ah loo doortay Abdikhayr Cumar Xaji Mahamud. Waxaa kaloo halkaa lagu dhisay gudi lagu magacaabo Soccer Committee, masuulna ka ah qabashada tartanka kooxaha iyo soo xulida cayaartoyda mustaqbalka ee magaalada. Runtii waxaa xasuus mudan in shirkaas ay ku kulmeen cayaar yahano weyn oo mudo hore iskugu danbeysay, halkaana iskugu marxabeeyay. Waxaa shirkaa kasoo qeyb galay.
10.Abdikhayr Omar Mohamud Wabilahi Towfiiq
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|