• ENG. CARAALE:WAXAAN DIIRADDA SARNAY HORUMARINTA C.FUDUD EE SOMALIA

Waxaa dhawaan shir muhim ah lagu qabtay magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka taa oo looga doodaayey ahmiyadda ay ciyaaraha fudud u leedahay ummadda Soomaaliyeed iyo marxaladihii kala duwaan ay soo martay. Ciyaaraha Fudud waxey hormuud u yihiin dhamaan ciyaaraha kala duwan oo ay Soomalidu caanka ku yihiin iyadoo taa ay ku kasbadeen guulahii badnaa oo ay soo hooyeen 50kii sano ee ugu dambeeyay oo lahaa bilado dahab, qalin iyo maar. Cayaaraha fudud waxay maanta taarikhda Isboortiga Soomaaliyeed uga jirta baal dahab ah oo ay ummadda Soomaaliyeed ku xushmeeyaan.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud isagoo ka duulaayo qiimaha ay ummadda Soomaaliyeed u hayso ayuu waxa uu abaabulay tartamo kala duwan oo lagu qabtay dalka Soomaaliya wuxuuna xiriirka ka qeyb galaa ciyaaraha caalamiga ah ee Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Addunka (IAAF) uu qabanqaabiyo, kuwa Afrika, kuwa dowladaha Carabta iyo tartamada islaamka. Ka qayb galka tartamadaas kala duwan waxaa looga gol leeyahay sidii loo soo celin lahaa sumcaddii ay ciyaaraha fudud lahaayeen.

Waxa Taarikhdu markey aheyd Feb 8-10, 2014 shir ballaaran lagu qabtay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kaasoo looga hadlaayey sidii loogu hawl geli lahaa horumarinta ciyaaraha fudud loona dejin lahaa qorshooyin dhaw iyo mid fog isla markaana baadi goob loogu geli lahaa sidii loo heli lahaa ciyaaryahano u jajaban noocyadda kala duwan ee ciyaaraha fudud kuwaasoo hanan kara soo celinta sharafkii ay ummadda Soomaaliyeed ku laheyd ciyaaraha fudud. Waxaa shirkaas lagu go'aansaday in albaab kastaba loo garaaco si arrimahaas looga mira dhalin lahaa.

Waxaana shirkaasi ka qeyb galay xubno ka socda Xiriirka Ciyaaraha Fudud oo kala ah:

1- Prof. Maxamed Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Cayaaraha Fudud,
2- Drs, Khadiija Aden, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee XSCF,
3- Cabdulqaadir Caraale, Agaasimaha Farsamada ee XSCF,
4- Maxamuud Cadow, Tababaraha XSCF,
5- Iman Barre, Maamulka London Youth Athletics Club,
6- Cabdalla Rafle, Tababaraha London Youth Athletics Club

iyo marti shareefka ka socdey Guddiga Olimbiga Soomaaliyeed (GOS) oo kala ah:

1- Cabdullaahi Tarabi, Guddoomiyaha GOS,
2- Cumar Baarajab, Xubin Guddiga Fulinta GOS

Agaasime Caraale ayaa durbadiiba wuxuu ku dhaqaaqay taabi gelinta go'aamadii ka soo baxay shirkii Dubai iyo dardaarankii Prof. Maxamed Cali iyo Drs Khadiija Aden waxaana u suurto gashey inuu la xiriiro jaaliyadda Soomaaliyeed iyo guddiga cayaaraha ee magaalada Atlanta Georgia oo ay ka mid yihiin khubaro Isboortiga ku xeel dheer. Agaasime Caraale wuxuu halkaas kula kulmay labo khabiir oo ciyaaraha fudud ku xeel dheer oo u dhashay dalka Mareykanka oo kala ah Mike Spino iyo Ian Dube oo saaxiibo la ah Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee magaalada Atlanta.

Agaasime Caraale oo fursadaas ka faa'iideysanaayo ayaa u sheegey ka soo qaybgalayaasha xafladda marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen ciyaaraha fudud dhowr iyo 20kii sano ee la soo dhaafay iyo in hadda la sameeyey qorsho-sanadeed gaaban oo 3 sano ah (2014 - 2016) iyo mid fog oo baadi goob loogu galaayo sidii wadanka gudihiisa iyo dibadiisa looga heli lahaa dhallinyaro mustaqbal ku leh noocyadda kala duwan ee ciyaaraha fudud. Wuxuuna ka codsaday jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta iyo khubarada cayaaraha fudud ee halkaas timid inay arrintaasi gacan ka geystaan taakuleynta cayaraha fudud ee Soomaaliya gaar ahaan dhanka farsamada, qalabka iyo tabarada iyo deeq waxbarasho.

Ka dibna waxaa halkaas ka hadlay khubaradii ka soo qeyb gashay xaflada waxayna sheegeen inay arrintaas ku dadaali doonaan sidey gacan uga geysan lahaayeen dadaalka xoog leh ee loogu jiro horumarinta cayaaraha fududay iyagoo kaashanaayo saaxiibada badan ee ay ku leeyihiin ciyaaraha fudud ee Mareykanka iyo addunka.

Waxaa hadal kooban ku soo gabagabeeyey xafladaas Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta Georgia Inj. Cumar Shiikhey iyo Gudoomiyaha Isboortiga Dr. Cali Cusmaan oo mahad u soo jeediyey ka soo qayb galayaasha xafladda gaar ahaan agaasime Caraale iyo khubarada cayaaraha fudud ee Mareykanka waxayna ka codsadeen agaasime Caraaale inuu hambalyo ka gaarsiiyo madaxda xiriirka cayaaraha fudud gaar ahaan Prof. Maxamed Cali iyo Drs. Khadiija una sheego sida jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta u garab taagan tahay horumarka cayaaraha fudud ee Soomaaliyeed.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line