• Sanad Guuradii 12aad Ee Eretria

Communitiga Eritaria  ayaa waxey xafladii 12aad ku qabteen magaalada toronto meesha ay iska gooyaan labada wado St clair  and Caledonia
xafladaas oo looga dabaal dagayey sanadguuradii 12aad ee xornimadooda, waxaa loogu soo bandhigey, ciyaaro hido iyo dhaqan ah , mid kubada cagta iyo orodo ay ku tartmayaan dhalinyaro da'dooda u dhaxeyso 5 jir ilaa 16 jir, waxaana ka soo qeyb galey dad tiradooda gaarayey 8 kun ilaa 10 kun.


 
Ciyaarahaas waxaa ka qeyb galey naadiga muqdisho foot ball club kana dhisan magaalada toronto , kuna ciyaarayey magaca somali community of toronto
ciyaarahaas kooxihii ugu qeyb galey muqdishofc waxey kala ahaayeen,


 
Waxool oo ku ciyaareysey magaca ciyaartoyda da'dooda ka yartahay 6 jir.
 
waxa kale oo magaca Madbacada ku ciyaarayey dhalinyarada da'dooda ka yareyd 8 sano.
 
waxa kale oo magaca Wagad  ku ciyaarayey dhalinyarada da'dooda ka yareyd 10 sano
 
waxa kale oo magaca Jeenyo   ku ciyaarayey dhalinyarada da'dooda ka yareyd 12 sano
 
waxa kale oo magaca Horseed    ku ciyaarayey dhalinyarada da'dooda ka yareyd 14 sano


 
Ciyaarahaas oo si hambsami ah ugu socdey garoonka  weyn  ayaa waxaa ka soo qeyb galey
madax ka tirsan communitiga aretiara sida safiiraka  u fadhiya dowlada canada dalka areitaria


 
Nasiib wanaag naadiga Muqdisho fc wuxuu kala soo hoydey guulo badan U6 Waxool, U8 Madbacada, U10 Wagad waxey kala soo hoydeen koobkii kaalinta koowaad. Halka U14 Horseed ay gashey Kaalinta labaad, U12 Jeenyane kaalinta Sadaxaad.
Waxaa kale oo ciyaarahaas ka qeyb galey ciyaartoyda cuslaatey ee muqdishofc oo soo bandhigey ciyaar wanaag iyo asluub.
dhalinyaradii soo qaban qaabisey  muqdisho fc waxey kala ahaayeen
Ahmed Ali  Gudoomiyaha  qabanqaabada ciyaayaha
Mohamed Abdi Ikalaaji  Coach U8 Madbacada
Isse Rage Coach Waxool U6 Waxool
Bernand Wyatt Coach U10 Wagad
Muhyadin Haile Coach U12 Jeenyo
Abdulkadir Hashi Coach U14 Horseed
A sevim  coach U14 Horseed
Mohamed Sultan Coardinator
Abdirashid Warsame  Coardinator
Kamal  Coardinator
Abshir Araye  coardinator
Abdirahim Ali-rage Camerman

W D Abdirahim Ali-rage



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line