| 
Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan bahda Isboortiga gudaha iyo dibadaba meel kasta oo ay joogaan inaan u soo bandhigo qaabka loo maamulay aqoon is waydaarsiga habaynta Isboortiga iyo siyaasada dalka Soomaaliya oo maanta oo Arbaco ah bishuna tahay 03, 2010 ka furmay dalka Jabuuti magaalo madaxdiisa Jabuuti oo ayna si wadajir u soo agaasimeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyadoo ay maalgelisay Hay`adda Qaramada Midoobay dhinaca siyaasada ee UNPOS ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Aqoon isweydaarsigan oo ay ka qeybgalayaan sida lagu shaaciyay website yada Soomaaliya Mas`uuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada Isboortiga, Guddiga Olambikada Soomaaliyeed,Qabiiro Isboorti iyo xubno ka socda Xildhibaanada DFKMG,Xafiiska dowladda Madaxweynaha iyo kan Ra`iisul wasaaraha iyo wakiilka UNPOS ee dhinaca arimaha bulshada.
Waxaan looga hadlayaa sida ay shaaciyeen qodobada hoosta ku qoran:
Taariikhda Isboortiga Soomaaliya, Doorka Isboortiga ee dib u dhiska Nabadda.
Waxayna sheegeen inay la isku dhaafsan doono fekrido la xiriira sidii loo heli lahaa siyaasadda saldhigata ee ku aadaan isboortiga Soomaliya.,
waxaana ka hadlay shirkaas agaasimaha Qorshaynta Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada Saacid Mohamed Baariyoow iyo ku simaha Wasiirka Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya Khadiijo Mohamed Diriiye, Gudoomiyaha GOS Aden Xaaji Yabarow ‘’Wiish’’ iyo Wakiilka UNPOS ee arimaha Bulshada Soomaaliya Albert Charles French.
Hasayeeshee waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed faahfaahin ka siiyo qaabka shirka markii hore loogu talagalay iyo qaabka hada lagu wado inay yihiin labo arimood oo aad isaga soo horjeedo oo runtii u baahan in dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed loo soo bandhigo si ay u ogadaan musuqmaasuqa iyo fadeexadatan.
Liska dadkii markii hore loogu talagalay iney ka qeybgalaan waxey kala ahaayeen
1 Ahmed farah 7949487951 ahmedelmif@hotmail.com UK
2 Ibrahim Suudani ibrahimsudanni@yahoo.com USA
3 Ahmed Carab
4 Dr abdirahman Cunnaye UK
5 Abdirahman Gohad Shiino 7949240665 shiinogohad@hotmail.com UK
6 Abukar Abanur Carno Holland
7 Mohamed Ismail Sitey UK
8 Abdullahi Salah Tuke tuke99@hotmail.com Canada
9Mukhtaar Mohamed Ahmed Mukhtar Cuti mukhtarcuti@homail.com Canada
10 Khaliif Muse Riico kmuse@verizon.net USA
11 Abdulqadir Farah Biriq biriq@hotmail.co.uk UK
12 Mohamud Guled Bashir-jeenyo bashirjenyo@hotmail.com Sweden
13 Yusuf Shaqaaq Canada
14 Prof. Mohamed Ali UAE
15 Ibrahim Ali Shaash ibrahimshaash@yahoo.de Germany
16 Jama Aden karaaciin Sudan
17 Abdi Bille KSA
18 Abdulahi Mohamed Saney saney35@hotmail.com UK
19 Abdulqadir Caday Caddaay@yahoo.com UK
20 AbdulQadir Botan Isoomarey 7944099633 UK
21 Ahmed Haashi Seyga amikor2@hotmail.co.uk UK
22 Hassan Farah John UK
23 Saedo Nur Wariir Canada
24 Miski Xobor UK
25 Shukri Dhalbaas UK
26 Abdinasir Ismail Solo solagroups@sologroups.com UK
27 Yusuf Yusuf 7947510746 mrsomalia@hotmail.com UK
28 Prof. Musse Nasir Canada
29 Cawad Hassan Sweden
30 Omar Osman Ringo USA
31 Abdullahi Mahdi Canada
32 Shaair Sheikho Shair1@hotmail.co.uk UK
33 Mohamed Hassan Dabayare cayaaraha@yahoo.co.uk UK
34 Hawa Ahmed H-Taako hawataako@yahoo.co.uk UK
35 Mohamed Ahmed Aalim alim39@gmail.com UK
36 Mohamed farah mohamedfarah55@hotmail.com Canada
37 Aweys Arbow aweys fundi aweysarbow@yahoo.co
38 charles yemen
39 baaskuwaale kenya
40 muxidiin canbar kenya
41 maxamed geedi santuur ugandha
42 cabdulkhaadir baarajab imaaraadka
43 osmaan maye iskot imaaraadka
44 xasan cafiifa Qadar
45 maxamed geedi santuur sheekh Qadar
46 bashiir fokis Qadar
47 saleebaan Qadar
48 catashi kuweit
49 saciid ceyro uk
50 sacad cumar swedan
51 sabriye sweden
52 cantrar jeenyo canada
53 cabdi dheere canada
54 max’ed xaaji uurey canada
55 baare canada
56 abuukar shiino canada
57 kookow swedan
58 indhacaad usa
59 axmed daahir usa
60 shiikha usa
61 aaman usa
62 cabdi xalwo usa
63 dhagaweyne filande
64 cabdulaahi afweyne khadar
Ugu horeyntiina waxaa shirkan abaabulkiisa iyo fikirkiisa lahaa in lagu qabto dalka Jabuuti maanta Allaha caafiyee Halyeey Saleebaan Colaad Rooble oo ahaa Wasiirkii Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya, isagoo qabanqaabo weyn ugu jirey sidii bahwayntii Isboortiga Soomaaliyeed meel kasta la isaga keeno islamarkaana ay uga wada hadlaan sidii Isboortiga dalka Soomaaliya loogu helaa qaab ka duwan qaabka hada lagu maamulo iyadoo ay ka wada hadlayaan dadkii aqoonta Isboorti ee dalka Soomaaliya u lahaa noocyadiisa kale duwan hadii ay ahaan lahaayeen dadkii ka soo shaqayn jirey Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada, ciyaartooydii hore , macalimiintii, garsoorayaashii, qorayaashii isboortiga rag iyo dumar iyadoo ka kale iman lahaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa, kuwaasoo liiskooda iyo warqadii talo bixinta ugu horeysay ee looga codsanaayay inay la socdaan qaban qaabada shirkaan loogu kale direy in ka badan 65 ruux oo kale jooga dunida dacaladeeda, halka dalka Soomaaliyana lagu waday in la isaga keeno dhamaan dadkii Isboortiga aqoonta u lahaa ee jooga iyo kooxaha dhawaan dib boorka ugu jaftey wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada maamuladooda iyo dhamaan ciyaartooydii hore eek u sugan magaalada Muqdisho ee Wasiirka u samayn jirey xafiiska si dhamaan dadkaas oo dhan iskugu helaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho ay iskugu wada imaan karaan si ay u turxaan bixiyaan qaabka loo sixi karo maamulka iyo hogaanka Isboortiga dalka, shirkaas oo loogu magacdarey ‘’shirka Aqoon iswaydaarsiga habaynta siyaasada Isboortiga dalka Soomaaliya’’.
Mudane Saleebaan Colaad Rooble wasiirkii Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya ayaa ka codsaday in xafiiska UNPOS inay ka caawiyaan xaga socdaalka iyo martigalinta dadka shirka imaanaya islamarkaana ay gacan ka siiyaan inta uu socda kuwaasoo ka aqbalay kuna xirey inuu u soo gudbiyo codsi ku saabsan barnaamijkaas, hay’ada waxay soo ogolaatey arinkaan maalmo ka hor inta uusan ku dhaawacmin qaraxii foosha xumaa ee ka dhacay Hotel Shaamoow ee magaalada Muqdisho, iyadoo la isku afgartey in ergada ka imaanaysa dibadaha la dhimo loona badiyo kuwa ka imaanaya dalka gudihiisa, arinkaasna wasiirka waa u aqbalay kadibna waxaa u noogu sheegay in shirka la qaban doono dadkana xoogaa la dhimi doono laakinse qubarada ka imaanaysa dibadaha hadii ay is dabari karaana ay isla eegi doonaa laakinse miisaan ku samayn doono sida ugu wanaagsan ee arinkaan lagu qaban karo si ay uga soo baxaan natiijooyin muhiim ah oo anfaca dadka iyo dalka Soomaaliya.
waraaqaadii loo kala diray dadka lagu marti qaaday aqoon is weydaarsigaasi halkaan ka aqri iyana

Shirka dadkii lagu martiqaaday iyo warqadii loo direy iyo sidii ay u qornayd ayaan qoraalkaan soo raacsiinayaa waxaan idinka codsanayaa inaad si wanaagsan u aqrisaan islamarkaana dadka ku qoran meesha raadisaan waydiisaana inay heleen warqadaan iyo in kale ama ay la socdeen qorshaha wasiirka uu waday inta aysan la soo gudboonaanin arinkaan qadarta ah, si aad uga bogataan waxaan sheegaayo inay xaqiiq tahay iyo inay tahay waxaan abuurayo, waayo ma doonaya inaan dadka u sheego waxaan jirin.
Maxaa dhacay markii wasiirkii dhaawacmay? Qaabkeese loo maareeyay shirkii ?
Markii Wasiirkii hore dhaawacmay waxaa xilkiisii si ku meel gaar ah Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada lagu wareejiyay Wasiirada Haweenka Khadiijo Mohamed Diiriye si ay howlihii u waday Saleebaan horey ugu sii wado ayaa lagu dhiibay xilkan, madaama wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada ay ahayd
wasaarada shaqo badan iyo howlo badan uu ka waday tan iyo markii xilkaan loo dhiibay, nasiib xumo shaqadii ka socotey wasaarada iyo xiriirka kooxihii hore uu u dhisay,dadkii la shaqaynayay iyo ciyaartooydii hore kuli cagta ayaa madaxa laga saarey, islamarkaana waxaa toos loola xirtey kooxdii 20-ka sanadood afduubka iyo isbaarada shaqsiga ah ku haystay maamulka isboortiga dalka, kuwasoo lacago iyo musuqmaasuq baahansan ku haya horumarkii uu gaari lahaa isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee u baahnaa in wax badan loo qabto.
Shirkaan waxaa ka qayb galaya kooxda GOS oo isaga yimid magaalada Muqdisho iyo dibadaba halka aanba qof laga casumin dadkii loo qorsheeyay inay ka soo qayb galaan ee liiska ku qornaa, halka UNPOS lacago ka badan 50.000 Doolar ay ku bxiyeen qabashada shirkaan soconaya labada maalmood, marka soo nasiib xumo aad u weyn iyo musuqmaasuq ma ahan madaama meeshaba dadka iskugu tagay ay yihiin kuwii la rabay in umadda laga qabto islamarkaana Isboortiga siyaasadiisa wax badan looga badalo fadhigaan.
Waxaan is waydiiyay sababta iyo waxa ka galay Xildhibaano, Masulliyiin Qaran, Shaqaalaha xafiiska Raisal Wasaaraha iyo Kan Madaxwaynaha shirkaan looga hadlayo sidii dib u habayn loogu samayn lahaa Siyaasada Isboortiga dalka.
Waa nasiib xumo inay arinka iyo howshii u juhdiga iyo dadaalka badan u waday Allaha caafiyee inay noqotey mid ku dhamaato musuqmaasuq iyo fadeexad lacago lagu dhunsanaayo sida iga muuqato waxa meesha ka socda, marka soow ma oran karno madaama ninkii qiimaha badnaa ee wadaniga ah ee diiday inuu noqdo laaluush qaato la qaybsada kooxda NGO/GOS ee ku qaraabta inay Isboortiga Soomaaliya maamulaan wixii uu u ku soo dhimanaayay ku dhamaata inay afduubaan kooxdii la rabay in iyaga farahooda laga bixiyo maamulka ku dhisan musuqmaasuqa maanta Wasiirkii hore mudane Saleebaan Colaad Rooble oo dhaawac ahna noqdo ‘’Nin dhintey Kabihiisa ka roon’’ maahmaahdii Soomaalida ay dadka waxtarka marka ay dhintaan xoolahooda ku dhici jireen.
Waxaan cambaaraynayaa Dowlada ku meel gaarka ah sida ku simaha Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya iyo Agaasimaha Qorshaynta Wasaarada , kuwasoo si aan Soomaalinimo ahayn oo Isboorti ahayn u maamulay fikirkii iyo qorshii Wasiirkii hore Saleebaan Colaad Rooble islamarkaana howlihii ay ka waday dalka cagta madaxa ka saarey oo dayacay kooxihii hore iyo nidaamkii ay ku socotey shaqada islamarkaana heshiis kula galay GOS iyo Xiriirada beenta ah ee hoos yimaada inay dib ugu celiyaan NGO-gii iyo Isbaaradii lagu maamulayay Isboortiga dalka Soomaaliya, waxaana u sheegaynaa inaan laga yeelaynin maaweelada ka socoto dalka Jabuuti.
Agaasimaha Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada Saacid Mohamed Baariyoow oo la su’aalay sababta keentey in shirka waji kale loo weeciyo ayuu ilo xog ogaal ah oo shirka markii hore sidii uu socday ogaa oo waydiiyay qaabkan cusub ayaa ugu jawaabay inay Wasiirada cusub arinkaan sidaasi u maamushay islamarkaana uusan wax awood ah lahayn laakinse sida ay noo sheegeen GOS labadaba heshiis ayay isla gaareen markii Saleebaan meesha ka baxay, waayo markii hore Saleebaan waxa u wado ma aysan ku faraxsanayn.
Dowlada Soomaaliyeed waxaan ugu baqayaa inay baaris ku sameeyaan qaabka loo agaasimay Shirka shirqoolka Isboortiga dalka Soomaaliya ee ka socda dalka Jabuuti, islamarkaana wax la iska waydiiyo sababaha loo curyaamiyay howlihii u qabtey Wasiirkii hore Mudane Saleebaan Colaad Rooble, hadii kale musuqmaasuqa iyo curyaaminta howlaha bulshada oo loogu shaqaysanayo waxay noqon doonaan kuwo dadka Soomaaliyeed idin kula xisaabtami doonaan.
Lacagta ku baxayso ee ka badan 50.000 Doolar maxaa u diiday in lagu xoojiyo kooxaha Wasaarada dib boorka ugu jaftey iyo in tartamo loogu qabto?
Maxaa badalay qorshihii Jaalle Saleebaan Colaad? Maxaa u diiday in ciyaartooydii hore ee Xamar joogta u diiday in laga soo qayb galiyo shirkaan? Maxaa Xamar loogu qabanayay madaama dadka ka qayb galaya marka laga reebo 5 qof ay kuligood Muqdisho ka yimaadeen/ Maxaase gurbaanka loogu garaacanayaa Dalka Jabuuti hadiise wax meesha ku hoos qarsanayn? Arimahaan oo dhan ayaa u baahan in dadka Soomaaliyeed laga shaafiyo?
Hadii Dowlada Soomaaliya wax ka qaban wayso arinkaan oo ay dhagaha ka fureystaan waxaan umadda Soomaaliyeed ugu baqayaa in kalsoonida ay kale laabtaan, kuna sifeeyaan NGO doonaysa inay dhaqaalo ka sameeyaan dhibaatada ka taagan dalka, hadii ay wax qabanayaan arinkaan wax ha ka qabtaan wa
Mudane Saleebaan Colaad Rooble run ahaantii waxaa u ahaa geesi daacad ah oo wadani ah islamarkaana ka diiday GOS inuu la walaaqdo howlaha ka ganacsiga Isboortiga ay faraha kula jiraan, wax qabadkiisii dadka Soomaaliyeed dhamaan way ka wada dharagsan yihiin taariikhdana way xusi doontaa.
W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
|