• Farah Oday Oo Loo Magacaabay Madaxa Xulalka Qaranka Kubbadda Kolayga

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Kolayga Soomaaliyeed Mudane Cabdullahi Nuur Maxamed Cadaani ayaa magacaabay madaxa guud ee xulalka qaranka kubbadda kolayga Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cadaani ayaa xilkan u magacaabay laacibkii hore kooxaha jeenyo iyo Batroolka Faarax Jaamac Nuur (faarax oday) islamarkana kaaliye xoghaye ka soo noqday xiriirka Soomaaliy eed ee kubbada kolayga.

Magacaabista madaxa xulka ayaa timid kadib marki uu guddoomiye Cadaani soo magacaabay macalimiinta xulka qarankna Wiilasha iyo gabdhaha oo da' weyn iyo da'yar isugu jiray.

faarax Oday ayaa badalaya madaxii hore xulka qaranka Axmed Muuse, waxuuuna hogaamin doona 18 Macalin oo loo soo magacaabay xulalka kala gedisan kubada kolayga..

Attachka ka aqriso Waregtada uu guddoomiye Cadaani kusoo Magacaabay Faarax Oday.

W/D: Xuseen Maxamed hadaafow

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line