• XAAFADDA FARJANNO OO FARBARTAY XAAFADDA SHAQAALAHA EE MAGAALADDA KISMAYU – JUBALAND STATE

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay Jimce 20 ka December, 2013 garoonka weyn ee Wamo Stadium ee magaaladda Kismayu ku soo gabagaboobay koobkii lagu maamuusayey soo dhoweynta Wasiiradda Cusub ee Jubaland State.

Tartankan oo u furmay shan xaafadood ee magaaladda Kismayu maalinimaddii Khamiista ee ay taariikhdu ahayd 12 ka December 2013 ayaa waxaa FINAL isugu soo haray labadda xaafadood ee kala ah Farjanno oo ka soo badisay xaafadaha Calanley & Guulwade oo runtii la dhihi karay Guulwade fursad ay ku soo bixi karto ayeey heshay haddii aysan Calanley galaafan oo aysan bixinin goolal loo arkayey sii days iyo hadalo laga soo xigtay qaar ciyaartooyda ka mid ah!

Xaafadda Shaqaalaha qudheeda waxay rigoorayaal ku soo reebtay Fanole ka dib markii ay 0-0 ku dhammaatay wakhtigii loogu talagalay.

Akhristoow waxaa durbaba soo buux dhaafiyey garoonka dadweynihii u soo daawasha tagay iyo waliba taageerayaashii labadda xaafadood. Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay ciyaartan marti sharaf tiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubaland Mudane Maxamed Warsame Faarax (Darwiish), Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Sh Yuusuf Cumar, Afhayeenka Jubaland State Mudane Seeraar, Guddoomiyaha Ku meel gaarka ee Degmadda Kismayu Mudane Cabdulahi Khaldaan, iyo Guddoomiyaha Qurba-Joogta Sports G/J/Hoose Eng. Cabdisamed Sh Qasim.

Waxaa bilowday ciyaartii la wada sugayey waxaana durba weerar aan kala go’ lahayn lagu qaaday xaafadda Shaqaalaha oo ka fakatay fursado qaali ah oo uu helay laacibka xaafadda Farjanno ugaga ciyaarayey afka hore ee Bashiirow isaga oo iska lumiyey fursad gool loo fishay.
Bashiirow oo ah inan yar oo mustaqbal leh ayaa wuxuu durbaba ka xareeyay kooxdii Shaqaalaha laba gool oo darandoori ah waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaaminayso kooxda Farjanno.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la isugu soo noqday koox walibana ay la soo tashatay macalimiinteeda ayaa waxaa isla markiiba gool saddexaad uga naxsaday kooxda Shaqaalaha laacibka la yiraahdo Eney. Akhristow kooxda Shaqaalaha waxaa goolkii afaraaad ka dhaliyey inanka la yiraahdo Faqe, waxay ciyaartu ku dhammaatay 4-0 ay koobkii ku hanatay kooxda xaafadda Farjanno oo runtii u qalantay guushan.

Waxaa xusid mudan ciyaartooydii labadda koox oo dhammaantood muujiyey dadaal. Waxay dadweynuhu si gaar ah isha u hayeen laacibiinta kala ah: Maxamed Deeqow, Sh Cali, Maango, Dhuubow, Cabdi Bare, iyo Idris.

Dadweynihii ka soo qaybgalay ciyaartan ayaan inaba ka xiisa dhicin ilaa ay ciyaartu dhammaato.
Maalinta barito oo ay sabti tahay ayaa waxaa ciyaaraya laba kooxood oo ay kala wataan Suldanka Sports ka G/J/Hoose Sanjo oo horay ugu soo ciyaari jiray kooxdii Warshadda Hilibka iyo Guddoomiyaha Qurba-Joogta Sports ka G/J/Hoose Eng. Cabdisamed oo iskana horay ugu soo ciyaaray naadiga D/Hoose Kismayu iyo naadigii heer qaran ee Muqdishu FC, ciyaartan ayaa loogu dabaal dagayaa soo dhoweynta Suldan ka iyo sii dhoweynta Eng. Cabdisamed oo la oran karo wuxuu u hiiliyey amase qayb lixaad leh ka qaatay bilowga dimoqraadiyadda sports ka Soomaaliya oo si xawli ah ugaga socda goboladda qaarkood.

Xafladda Koobka iyo abaalmarinadaba waxay ka dhici doonaan Hotel Golden Beach ee Qilmawaye.

W/D M Deeq Abdiwahab


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line