• Fartuun Cismaan oo ku guulaysatay abaalmarinta  Virginia Mcknight Binger Human services Award ee sannadka 2011

     

Fartuun Cismaan  oo bulshada isboortiga ay ugu yeeraan (Ali Dheere),  kana tirsanaan jirtay cayaaryahannadii qaranka Soomaaliyeed ee cayaaraha Fudud iyo gabdhihii kubadda koleyga ee naadigii Muqdisho ayaa ku guulaysatay  abaalmarinta sannadlaha oo ay bixiyaan hay’adda  Mcknight Foundation oo iyadu bixisa deeqaha ugu badan ee gobolka Minnesota , ka dib markii loo gartay in ay ka mid tahay dadka ugu firfircoon  ee ka shaqeeya arrimaha  lagu horumarinayo bulshada. Fartuun ayaa iyadu guushaasi u soo hoysay Mujtamaca Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota  guud ahaantiisaba gaar ahaan ururka ay ka tirsan tahay ee Somali Youth Development Organization in Minnesota (SYDOM),waxaana la guddoonsiiyay abaal marin lacageed oo dhan $ 10.000 (Toban kun oo Dollar).

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen  qawmiyado kala duwan oo ka soo jeeda meelo kala duwan ayaa lagu qabtay miyuusimka  ku yaalla Minnesota, waxaana  goob joog ka ahaa madaxda Mcknight Foundation, iyo jaaliyadaha kala duwan.Waxaana halkaai laga soo jeediyay warbixino guud oo ka hadlayay taariikhaha dadka wax ku oolka ah oo sida weyn uga qayb qaata hawlaha lagu horumarinayo mujtamaca Maraykanka ha noqoto dhinaca haweenka,waxbarashada iyo dhallinyarada intaba, Sidoo kale waxaa halkaasi laga soo jeediyay warbixinno guud oo ka warramaya waxqabadka hay’addan Mcknight Foundation, qaabkii ay ku aasaasantay, iyo abaalmarinnadii ay horay u bixisay.

 Abaalmarintaasi oo lagu magacaabo Virginia Mcknight Binger Human services Award  oo sannadkiiba mar la qabto ayaa  dadka ku nool gobolka Minnesota ay soo doortaan shaqsiga ay u arkaan inuu gacan ka gaystay horumarinta adeegyada bulshada,waxaana fartuun ay ka mid noqotay 6 ruux ee ugu horreeyay ee buuxiyay shuruudihii loo baahnaa.

 Madaxa  ururka Horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota(SYDOM), ahna Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota  Mudane Cabdi Cali Macallin, xubnaha  ururka, macallimiinta iyo cayaartooydaba waxaa ay hambalyo diiran u dirayaan Fartuun  Nuur , guushaasi weyn ay gaartay  iyo sharafta ay u  soo hoysay bulshada soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota.

 Taariikhdeeda oo kooban

 Waxaa ay ku dhalatay magaalada Muqdisho , sannadku markuu ahaa 1976kii.

Waxbarashadeedii dugsiga hoose/dhexe  waxaa ay ku dhammaysatay 21 ka Novembar,  dugsigii sarena waxaa ay kaga baxday  15 May.

1990 ayay billowday jaamacaddii Gahayr, hase yeeshee sannadkeedii ugu horreeyayba dagaaladii sokeeye ayaa halkaasi ka qarxay oo ma aysan dhammaysan.

 1986 kii ayay ku soo biirtay Dhanka isboortiga, iyada oo ka  billowday Orodada, waxaa ay  markeedii ugu horraysay u oroday dugsigii sare ee 15 May...Guulihii ay ku tallaabsatay awgeed ayaa isla sannadkaasi loo qaatay inay matasho cayaaryahannadii Orodada iyo Kubadda koleyga ee gobolka Banaadir. Waxaa kale oo ay Fartuun isla sannadkaasi ka mid noqotay gabdhihii kubadda koleyga u cayaarayay degmadii Wardhiigley.

1986 markii cayaaraha gobolada laga faraxashay ayaa isla durbadiiba Fartuun loo qaatay cayaaryahannadii gabdhaha kubbadda koleyga heerka 1aad ee naadigii Nuqdisho.

1988 kii  waxaa loo qaatay inay ka mid noqoto ciyaaryahannadii gabdhaha ee loo xulay tartankii kubadda koleyga ugu qiimaha badnaa  oo ahaa Xiddigaha, waxaana ka qayb galayay 4 kooxood oo gabdho ahaa..waxaana ay u cayaarayasay kooxdii la magac baxday “ Tallaalka Caruurta” oo iyagu ku guulaystay kaalintii 1aad ee tartankaasi, waxaana macallin u ahaa macallin Idiris Ibraahim oo ka mid ahaa macallimiintii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga.

1988 kii ayay ka qayb gashay cayaarihii “All African Games” oo lagu qabtay Nairobi-Kenya. Iyada oo uga qaybgashay dhanka cayaaraha fudud.

1996 ilaa haatan waxaa ay si mutadawacnimo”Volunteer” ugu shaqaysaa ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ,Somali Youth Development Organization in Minnesota oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan “SYDOM” .

Sidoo kale  waxaa ay muddo dheer la shaqaynaysay  Urban Youth Leadership connection/MN Thunder Plus  iyo Higher ground Academy

2006kii ayay ku guulaysatay shahaadada E license oo ah aqoonsi tababaranimo ee kubadda Cagta.

 Diyaariye:Shiikha

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line