• Gabdhaha Kismayo oo dib ugu soo laabtay kubada koleyga

Kooxda kubadda kolayga ee gabdhaha reer Kismaayo ayaa maanta markii ugu horeeysay laga aasaasay magaalada Kismaayo, ayadoo yagleelidda kooxaha kubadda kolayga ee dumarka ay iska kaashadeen ururka haweenka degmada Kismaayo iyo wasaaradda arimaha bulshada.

Burburkii dowladdii dhexe ee dalka kadib, cayaaraha laga dheelo magaalada Kismaayo ayaa u badnaa kuwo ay dheelaan ragga oo qura, haseyeeshee kooxahani ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo dumar ah oo laga dhiso degmada Kismaayo.

Wasaaradda arimaha bulshada Jubaland ayaa qalab isugu jiray kubado iyo dhar ku wareejisay kooxdan kubadda kolayga ee laga yagleelay Kismaayo.

Agaasimaha isboortiga iyo dhalinyarada Jubaland Burhaan Max’uud Xasan Kukuuyu oo ka warbixinaya kooxdan iyo qalabka ay ku wareejiyeen ayaa sheegay in ay dadaallo badan usoo mareen sidii ay ku heli lahaayeen gabdha kubadda koleyga ciyaara.

Gudoomiyaha ururka haweenka degmada Kismaayo Barey Maxamed Garweyne oo ka hadashay goobtii qalabka lagu gudoonsiinayay gabdhaha ayaa ku dhiirro gelisay in gabdhaha isboortiga ka qayb qaataan.

Wasiirka arimaha bulshada iyo waxbarashada Jubaland Mudane Max’ed Ibraahim Max’uud oo safar uu ku maqnaa ka yimid ayaa munaasabada ka hadlay isagoo ku tilmaamay in ay tahay tallaabo hore loo qaaday in ururka haweenka oo midaysan la helo oo aasaasa kooxo noocan oo kale ah markii oogu horreeysay ka dib dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay mudadii ka badnayd 20 ka sano.

Ugu dambeyn, yagleelidda koox gabdha ah oo ka qayb qaata doorka ay gabdhuhu shacabka ku leeyihiin ayaa ah tillaabo hormarineed oo ka saaraysa dhallinyada taarikhihii xuuma ee dalkeennu soo maray.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line