• Gacmo wada jir bey wax ku gooyaan!!

t

Waxaa magaalada Toronto casho sharaf si weyn loo soo agaasimay, loogu sameeyay kooxda dhallinyarada ee xiddigaha, kadib markii ay ku guuleysteen koobkii U12 ee 2014.

Isla xafladan ayaa waxa shaaca looga qaaday in si rasmi ah ay u midobeen kooxda Blue Stars ee reer Hamilton iyo kooxda Xiddigaha ee Toronto.

Wada hadalada sidii loo mideyn lahaa labadan kooxood ayaa iyadu socotay muddo sannad ah. Ugu dmbeyntiina waa lagu guulestay.

Waalidiinta labada dhinac ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin in labadan kooxood la mideeyo taasi oo keeni karta in dhowr kooxood oo kalena ay talaabdan cusb ku deydaan.

Sidoo kale tababare Cadulqaadi Yuul iyo Hamada ayaa iyaguna si wadajir ah u sheegay faa'iidada ay keeni karto mideynta kooxahan.

Xafladani oo maqal iyo muuqaal ah iyo dhamaan sawriadii la soco goor dhow

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line