• Tartaan Isboortis oo da'yarta gobolka Mudug ugu soo gaba-gaboobey Gaalkacyo

Waxaa garoonka cayaara ee magaaladda Gaalkacyo ee Cawaale ku soo dhamaadey tar tan kubada cagta ah oo u dhaxeeya da'yarta gobolka Mudug,waxana uu tar tankaan yahay mid looga goleeyahay in dhalinyarada da'yarta ah looga jeediyo waxa dib u dhigi kara nolashooda,waxana
sidoo kale ujeedada tar tankaan Isboortis uu ahaa mid saro loogu qaadayey xirfada dhilanyarada.

Tar tankaan waxaa qabtay Ururka Somali Sports and Relif Organization oo u hoggaamiyo mudane Cabdiqani Khaliif Carabey oo ah muwaadin Soomaaliyed oo isku xil saaray sidii dhalinyarada da'yarta ah ee Soomaaliyed looga jeedin laha wax ka sta oo dibu dac u keeni kara
nafsadooda.

Tar tanka waxaa ka qeyb galay illaa 16-kooxod oo ka mid ah da'yarta gobolka Mudug kuwaaso ka kala yimid xaafadda ay ka kooban yahay magaaladda Gaalkacyo.

Xilligii uu soo gaba-gaboobo tar tanka oo ay soo baxeen labada kooxod ee kala ah Banaadir vs New Suxufi o ka kala socda waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa la gudunsiiyey agab Isboortis oo lugu doonayo in saro loogu qaado hamigooda.

Agabka lugu abaal mariyey labada kooxod ee tar tanka kusoo baxay ayaa waxaa ku deeqay muwaadin Soomaaliyed oo lugu magacaabo Cabdulahi Huseen Dirir.oo ku nool dalka Kuwait.

Cabdulahi Xuseen Dirir waxaa sidoo kale uu balan ku qaaday in u garab istaagayo sidi u tageeri laha dhalinyarada yar yar,waxana uu baaq u diray jaaliyadda ka soo jeeda gobolka Mudug,waxana uu ugu baaqay inay ka qeeb qaatan horumarka dhalinyarda sidi ay uga badbaadi lahaayeen dhibaatda mar walba sameeyso,waxana uu C/laahi uu noqonaya shaqsigi ugu horeeyay ee ka so jeeda Mudug ee u soodira qalab Isboortid dhalinyaradii kusoo baxdey gaba-gabada tar tanka,tar tankaano loogu magacdar is dhax-galka oo lagu xulayo dhalinyaro xirfad iyo aqlaaq leh sidi ay u matallan da'yarta gobolka Mudug.

C/qani Carabey oo ah guddoomiyaha Ururka tartanka qabtay ayaa isna hadal jeediyey xiritaankii tar tanka waxaana uu sheegay in la taageero dhalinyarada yar yar laguna daydo Cabdulahi Huseen Dirir sidi u tageeray dhalinyarada bulshaqada waxana uu codsi uu u diray
bulshada Soomaaliyed isagoona ka dalbadey in ay tageero u fidiyaan dhalinyarda aan haysan tageero.

Ururka Somali Sports and Relif aya ah mid mar walba u tagaan horumarka dhalinyarda yar yar sidi ay u noqon lahaayen dhalinyaro isku duuban kana badbaadan dhibatada.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line