• Somalia Sports And Relief Organization oo furay tartankii k/cagta ee kooxaha Gaalkacyon

Tartankaan ku badda cagta ah ayaa waxaa loo qabtey kooxaha da'yarta magaaladda Gaalkacyo,waxana loogu magacdaray tartanka dhalinyarada ka hortaga tahriibka iyo burcad badde,si loo ga jeediya da'yarta inay dib
ugu laabtan falalka wax yeenkara naftooda ayaa ururka Somalia Sports And Relief Organization waxaa uu ufuray tar tamo ay ku loolamayaan kooxaha kubada gacta ee ka dhisan magaaladda Gaalkacyo.


Waxana ka qeyb galay tartankaan ilaa 16-kooxod oo day'yarta xaafaddaha magaaladda Gaalkacyo ay ka koobantahay,waxana dahfurkiisi kasoo qeyb galay guddoomiyaha Ururka Somalia Sports And Relief
Organization,guddoomiyaha Sportska gobolka Mudug iyo guddoomiyaha xiriirka kubada cagta gbolka Mudug.
Dahfurkii munaasabad kooban oo loo qabtay furitanka tar tarka waxaa hadal ka jeediyey guddoomiyaha Ururka Somalia Sports And Relief Organization Cabdiqan Khaliif (Carabey) waxana uu hadalkiisa kaga warbixiyey ujeedada urukiisu uu xiligaan u qabtay tartankaan waxana uu tilmaamay inuu doonayan dhalinyaro ka madaxbanaana falalka ay ka mid ka yihiin burcad badeedda,tahriibka,mukhaadaradka iyo wax kasta oo nolashooda hoos u dhigikara,taasina ay keentay in dhalinyarada dhibaatoyinkaasi oo dhan looga mashquuliyo Sportska iyo waxyi galin
iyadoo loo qabano tar tamo ay kawada qeyb qaatan qeybaha dhalinyarada ku nool xaafadda magaaladda Gaalkacyo.


"Waxaa uu ujeedkenu yahay in la helo dhalinyaro Soomaaliyed oo an ka mid ahayeen burcad baddeeda iyo kuwa nolashooda qatarta galinaya tahribkana aadaya,anagoo taas ka duulena in dhalinyaradeena ay ka mid noqdaan waxan garanay inan si firii ah oo an wax sharuuda lugu xireen inan u qabano dhalinyarada tar tamo kubada cagta ah,taasi waxay dhalin karta in dhalinyaradu ay noqdaan kuwo niyad saafi ah yeesha"ayuu yiri guddoomiye Carabey.
Sidoo kale guddoomiye Cabdiqan Khaliif (Carabey) waxuu si cadd u sheegay inaysan jiri cid ururkooda ku taageerta dadaalka ay ugu jiran in dhalinyarada Soomaaliyed laga jeediyo wax kasta oo dhibato u keeni
karta naftooda,waxana uu soo hadal qaaday inay soo dhaweenayan


cidkasto ka gacansiinaysa inay sii wadan tar tamadooda iyo dadaalkooda. "Waxaa xusid mudan inaysan jirin xiligan cid nogu taageerta dadaalkena an ugu jirno in dhalinyarada Soomaaliyed an ka jeedino wax kasta oo naloshooda dhibaato u keeni karta,ma joojin doono dadaalkeena,waayo waxaa muuqata caqabado badan oo xiligan hortaagan sii socoshada
dadaalkena,balse waxan ugu baaqaya shacabka Soomaaliyed dalka iyo dibaddaba ku nool inay nala garab qabtaan dadaalkeena,qorshaheena waxaa uu yahay in gudd ahaanba gobollada Soomaaliya si isku mid ah inan u gacan qabano dhalinyarada Soomaaliyeed taas waxay u baahan tahay taageero dhinac walba ah taasna ciida laga dhowrayo waxaa dadka Soomaaliyed"ayuu yiri guddoomiye Cabdiqani.


Sidoo kale waxaa iyaguna hadala kooban oo soo dhweyn u badanaa munaasabada ka jeediyey maamulka Sportska gobolka Mudug oo u riyaaqay dadaalka uu xiligan waddo ururka Somalia Sports And Relief Organization,waxana ay si gaar ah ugu mahad-celiyeen guddoomiyaha ururka Cabdiqani Carabey,waxana ay sheegen inay soo dhaweenayan cid
kasta oo horumarka dhalinyarada Soomaaliyed ka shaqeynaysa,waxana ay ugu baaqen dadka Soomaaliyed inay ka qeyb qaatan dadaalka xiligaan lugu doonayo in lugu soo nooleyo rajadda dhalinyarada Soomaaliyed. Si kastaba ururka Somalia Sports And Relief Organization waxaa uu noqonaya ururkii ugu horeeyey ee si firii ah dhalinyarada Soomaaliyed u fura tar tamo lugu dhisayo muraal kooda iyagoo laga leexinayo
dhibaato saamaysa nolashooda.

Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line